War ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in shalay xaafad ka tirsan Degmada Dayniile ay ka dhaceen rabshado la xiriira banaanbax ay sameeyeen kooxo dhalinyaro ah oo abaabulan.
Boolisku waxay sheegeen in banaanbaxaasi isu beddelay fowdo, kadib markii la weeraray dukaan uu lahaa muwaadin Soomaaliyeed, isla markaana la boobay hantidiisa, iyadoo ay goobta isugu soo baxeen haween iyo carruur.
Ciidanka Booliska oo gurmad degdeg ah sameeyay ayaa gaaray halka ay wax ka dhaceen, balse intii ay ku guda jireen sugidda amniga iyo badbaadinta hantida shacabka, ayay la kulmeen dhagax-tuur iyo rabshado ay sameeyeen dad abaabulan.
Taliska Booliska ayaa xaqiijiyay in rabshadahaasi ay ku dhaawacmeen ilaa 3 qof oo rayid ah, kuwaas oo la geeyay isbitaallo ku yaalla magaalada Muqdisho, halkaas oo haatan lagu dabiibayo, iyadoo la xaqiijiyay in uusan jirin wax dhimasho ah.


