Ciidamada Booliska Saldhiga Degmadda Xamarweyne ayaa goordhow xiray Agaasimaha Guud ee warbaahinta Shabelle Abuukar Sheekh Maxamuud Abuukar Iskaay.
Agaasimaha ayaa looga yeeray Saldhiga degmada Xamarweyne kadibna ciidamada ayaa xabsiga dhigay.
Xariga Agaasimaha Shabeelle ayaa ka dambeeyay, kadib markii Saldhiga X/weyne loogu yeeray, kadibna ka xiray ku-xigeenkiisii Maxamuud Cabdinaasir Soofeysane.
Boolisku weli kama hadlin xariga madaxda Warbaahinta Shabelle.
Madaxda warbaahinta iyo weriyeyaasha Soomaaliyeed ayaa si adag u cambeerayay xariga sharci darada ah ee loo geystay Agaasimaha Shabeelle iyo ku xigeenkiisa.
Booliska Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay xarig u geystay weriyaal badan iyo xarumo warbaahineed, taasi xadgudub ku ah nidaamka Dastuurka iyo sharciga Warbaahinta.