Sunday, July 12, 2026

Ciidamada ammaanka oo Muqdisho ku dilay xubno ka tirsanaa Al-shabaab

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) ayaa xalay howlgal qorsheysan ka fuliyay xaafadda Galmudug ee degmada Garasbaaley, kaas oo lagu bartilmaameedsaday laba xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa lagu dilay hal xubin oo ka tirsaneyd Al-Shabaab, halka xubintii kale lagu dhaawacay. Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in howlgalka uu u dhacay sidii loo qorsheeyay, islamarkaana uusan wax khasaare ah soo gaarin ciidamada dowladda.

Dhanka kale, ciidamada amniga oo ku jiray heegan sare ayaa sidoo kale xalay fashiliyay isku day ay Al-Shabaab ku doonaysay inay weerar ama fal amni-darro ah ka geysato xaafadda Xaawo-Taako ee magaalada Baladweyne.

Ciidamada ayaa halkaasi ku dilay hal xubin oo ka tirsaneyd Al-Shabaab, halka xubin kale oo kooxda ka tirsanaa lagu qabtay isagoo nool.

Howlgalladan ayaa qayb ka ah dadaallada ay hay’adaha amniga Soomaaliya ku baacsanayaan xubnaha Al-Shabaab ee isku dayaya inay fuliyaan falal amni-darro ah, iyadoo ilaa iyo hadda Al-Shabaab aysan wax war ah ka soo saarin sheegashada dowladda ee ku aaddan howllgalladan.

WARARKII KALE

Maalintii Labaad oo Xiran Suuqyada Boosaaso iyo Muran ka taagan Canshuuraha Cusub ee Dekedda

Waxaa maalintii labaad oo xiriir ah xiran suuqyada iyo...

Iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya, Turkiga iyo Britain oo lagu tilmaamay Furaha Xasilloonida Soomaaliya

Kulan ka dhacay Baarlamaanka Boqortooyada Midowday (UK) ayaa lagu...

Iiraan oo sheegtay in ay weerartay saldhigga cirka Maraykanka ee Qadar

Ku simaha Ilaalada Kacaanka ayaa bayaan uu soo saaray...

Maraykanka iyo Iiraan oo sii Kordhiyay Weerarrada iyo xiisada oo kacaan

Weerarrada cirka ee u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan ayaa...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Dabka ka kacay duurka Spain oo dilay 12 qof

Dab aad u weyn oo ka kacay koonfur-bari Spain...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles