Sunday, June 1, 2025

Ciidamada Daraawiishta Jubbaland oo jubbooyinka ka wada hawlo culus oo ka dhan Al Shabaab.

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa Daraawiishta maamulka Jubbaland ayaa howlgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab ka wada deegaano ka tirsan Jubbada Hoose. Howlgalada ayaa si gaar ah ciidamadu uga wadaan tuulooyin hoostaga deegaanka Buulo Xaaji oo dhawaan laga saaray ururka Al-shabaab oo mudo dheer gacanta ku haayay deegaankaas.

Howlgalka ciidamadaan iskaashanaya maanta ka wadaan nawaaxiga deegaanka Buulo Xaaji ayaa la xiriira xaqiijinta amniga deegaankaas iyo xog kale oo sheegeysa in ciidamadu ay ka war heleen abaabul kooxdu ku qorsheynaysay iney weerar kusoo qaado markale Buulo Xaaji.

Hawlgalo  ballaaran oo lagu doonayo in looga xoreeyo Al-shabaab deegaanada Jubbaland,ayaa si xawliya ku socda iyadoo lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida gobolka. Ciidamada ayaa sidoo kale helay taageero ka timid shacabka deegaanka, kuwaas oo kaalin weyn ka qaadanaya sugidda amniga iyo bixinta xogaha ku saabsan dhaq-dhaqaaqyada Al-shabaab.

Todobaadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii Raysal wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, uu booqasho ku tagay deegaanka Buulo Xaaji, waxaana booqashadaas uu ku dhiiragelinaayay Raysal wasaaraha howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab oo ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ka wadaan deegaanada maamulkaas.

Waxaa la filayaa in howlgaladan ay sii socdaan ilaa inta laga xaqiijinayo nabadgelyada buuxda ee deegaanka, iyadoo qorshuhu yahay in Al-shabaab laga saaro guud ahaan gobolka Jubbada Hoose.

WARARKII KALE

Ukraine oo sheegtay in weerar aan hore loo arag ay ku qaadday gudaha Ruushka

Ukraine ayaa sheegtay in in ka badan 40 diyaaradaha...

MW Xasan Sheekh oo ku dhawaaqay waqtiga la qaban doono Gogosha Wadatashiga Siyaasiinta iyo Hoggaamiyeyaasha Bulshada

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Shirka Golaha Wasiirrada oo Lagu Lafaguray Amniga iyo Xasilinta Dalka

Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay...

Taliyaha NISA oo markale loo magacaabay Mahad Salaad

Golaha Wasiirrada Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay shir...

Diyaarado dagaal oo xalay duqeyn ka fuliyay saldhigyo Daacish ay ku leeyihiin Gobolka Bari

Diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada Mareykanka ayaa xalay duqeyn culus...

Turkiga oo sheegay inuu Soomaaliya ka taageeri doono amniga iyo dagaalka Al-shabaab

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khadka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles