Saturday, November 15, 2025

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo xukuno adag ku riday todoba gabdhood oo caan ahaa

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta oo Axad ah xukun ku ridday 7 dhallinyaro ah oo Tiktoore ah, kuwaasi oo midkiiba lagu xukumay 6 bilood oo xarig ah. Dacwadda oo soo martay heerarkeeda kala duwan ayaa eedeysanayaasha oo ka koobnaa sagaal hablood, waxaa 7 ka mid ah lagu xukumay min lix bilood oo xabsi ah, halka labo ka mid ah ay maxkamaddu dib ugu celisay xorriyadooda.

Xukumanaayasha ayaa lagu helay dambiyo ku saabsan kicin dadweyne, hurinta dagaal sokeeye, iyo faafinta dhaqamada anshax xumada ah. Dadka xukunka lagu riday oo ah gabdho caan ka ah baraha bulshada ayaa kala ah Sihaam Tahliil, Nashaad Nal, Sacdiyo Galmudug, Iftin Model, Anjal, iyo Farxiyo Zoona.

Dowladda Soomaaliya ayaa sanadkii hore isku dayday in ay mamnuucdo isticmaalka barta TikTok, iyada oo mamnuuciddaas ay dhalisay cabasho ka timid dhalinyarada kuwaas oo ku tiirsan dakhli ay ka helaan TikTok. Qaar ka mid ah dhalinyarada ayaa ku doodaya in TikTok uu yahay madal ay kaga faa’iideystaan ganacsigooda, suuq-geynta, iyo abuurista nuxur madadaalo ah, taas oo u suurtagelineysa in ay helaan il dhaqaale oo muhiim u ah noloshooda

Xukunka maxkamadda ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xilli bulshada Soomaaliyeed ay ka doodayaan saameynta baraha bulshada, gaar ahaan TikTok, oo noqday madal ay dad badan ku faafiyaan fikrado iyo dhaqamo kala duwan. Xeer-ilaalinta ayaa ku doodday in gabdhaha la xukumay ay ku xadgudbeen anshaxa bulshada iyo nabadgelyada guud, taas oo keentay in tallaabo sharci ah laga qaado.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 11 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Bandhigga Todobaadka Nabadda oo lagu soo gabagabeeyay Gaalkacyo

Qaar kamid ah maamulka Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Puntland...

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo loo doortay Guddoomiyaha golaha sharci dejinta Baarlamaanada EAC

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Mareykanka oo ku baaqay in la joojiyo hubka loo gudbinayo RSF

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Marco Rubio, ayaa ku...

Booliska oo faah-faahin ka bixiyay dilkii Gaalkacyo loogu gaystay gabadh yar

Saacadihii la soo dhaafay waxaa magaalada Gaalkacyo ee gobolka...

Xamas oo si tartiib tartiib ah ula wareegaysa Qasa

Xamaas ayaa kordhinaysa la wareegidda maamulka Gaza oo muddooyiinkii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles