Ciidamada Daraawiishta Jubbaland oo jubbooyinka ka wada hawlo culus oo ka dhan Al Shabaab.

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa Daraawiishta maamulka Jubbaland ayaa howlgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab ka wada deegaano ka tirsan Jubbada Hoose. Howlgalada ayaa si gaar ah ciidamadu uga wadaan tuulooyin hoostaga deegaanka Buulo Xaaji oo dhawaan laga saaray ururka Al-shabaab oo mudo dheer gacanta ku haayay deegaankaas.

Howlgalka ciidamadaan iskaashanaya maanta ka wadaan nawaaxiga deegaanka Buulo Xaaji ayaa la xiriira xaqiijinta amniga deegaankaas iyo xog kale oo sheegeysa in ciidamadu ay ka war heleen abaabul kooxdu ku qorsheynaysay iney weerar kusoo qaado markale Buulo Xaaji.

Hawlgalo  ballaaran oo lagu doonayo in looga xoreeyo Al-shabaab deegaanada Jubbaland,ayaa si xawliya ku socda iyadoo lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida gobolka. Ciidamada ayaa sidoo kale helay taageero ka timid shacabka deegaanka, kuwaas oo kaalin weyn ka qaadanaya sugidda amniga iyo bixinta xogaha ku saabsan dhaq-dhaqaaqyada Al-shabaab.

Todobaadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii Raysal wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, uu booqasho ku tagay deegaanka Buulo Xaaji, waxaana booqashadaas uu ku dhiiragelinaayay Raysal wasaaraha howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab oo ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ka wadaan deegaanada maamulkaas.

Waxaa la filayaa in howlgaladan ay sii socdaan ilaa inta laga xaqiijinayo nabadgelyada buuxda ee deegaanka, iyadoo qorshuhu yahay in Al-shabaab laga saaro guud ahaan gobolka Jubbada Hoose.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 15 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

IGAD oo maanta Jabuuti ka furaysa shir looga hadlayo nabadda iyo amniga Geeska Afrika

Shir aan caadi ahayn oo ay yeelanayaan Golaha Wasiirrada...

Trump oo Danjirayaal Cusub u Magacaabay Soomaaliya, Jabuuti iyo Sacuudiga 

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa 14-kii Sebtembar 2026 u...

Cirro oo DF ku eedeeyay in ay dadka Kala qeybisay iyo arrimo xasaasi ah uu ka hadlay

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa sheegay in...

Duqeyn culus oo xalay ka dhacday duleedka Baydhabo

Duqeyn culus ayaa xalay ka dhacday deegaanka Ceel-Muud, oo...

Meleeshiyaad hubeysan oo dad rayid ah laayay iyo faahfaahin ka soo baxaysa

Ugu yaraan 15 qof ayaa lagu dilay weerarro ay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles