Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay keyd miinooyin iyo walxo qarxa oo ay Al-Shabaab ku lahaayeen duleedka deegaanka Jabad Godane ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaas oo dhawaan laga saaray maleeshiyaadka kooxdaas kaddib howlgallo isdaba-joog ah.
Howlgalkan oo ka mid ah hawlgallo amni oo horey u socday, kana dhashay xog sirdoon oo sugan, ayaa lagu ogaaday goob si qarsoodi ah loogu keydinayay miinooyin iyo waxyaabo qarxa, kuwaas oo Khawaarijtu u adeegsan jirtay dhibaateynta shacabka iyo carqaladeynta amniga.
Saraakiisha hoggaamineysay howlgalkan ayaa sheegay in goobta laga helay miinooyin dhulka lagu aaso, walxo qarxa, iyo qalab kale oo loogu talagalay falal amni-darro ah, kuwaas oo la doonayay in lagu waxyeelleeyo ciidamada iyo shacabka deegaanka.
Ciidamada Xoogga ayaa si buuxda u sugey aagga, iyagoo hubiyay in aanay jirin khatar kale oo ka iman karta walxaha qarxa, waxaana la bilaabay tallaabooyin farsamo oo lagu burburinayo keydka miinooyinka.


