Monday, June 29, 2026

Mareykanka oo sheegay in Soomaaliya ay qaadatay mas’uuliyadda bakhaarkii la jabsaday, dibna u fasaxay gargaarka

Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay inay dib u billowday gargaarkii bani’aadannimo ee ay Soomaaliya siin jirtay, gaar ahaan kan loo soo marin jiray Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP, kaddib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaadatay mas’uuliyadda dhacdooyinkii la xiriiray lunsashada raashinka gargaarka.

War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Gargaarka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka (US Foreign Assistance) ayaa lagu sheegay in Mareykanku aqbalay tallaabada mas’uuliyadeed ee ay qaaday dowladda Soomaaliya, taas oo keentay in dib loo fasaxo hawlihii WFP.

“Mareykanka wuxuu aqbalay mas’uuliyadda ay qaadatay Dowladda Soomaaliya ee falkii saameeyay howlaha WFP. Kaddib qirashadaas, waxaan dib u billownay hawlgalladii gargaarka, inkastoo wali aan wadno dib-u-eegis guud oo ku saabsan taageerada Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Sidoo kale, qoraalka ayaa lagu xusay in Maamulka Madaxweyne Trump uu si adag uga soo horjeedo musuqmaasuqa, xatooyada, iyo leexsiga gargaarka bani’aadannimo ee Mareykanku bixiyo, isagoo carrabka ku adkeeyay in aan marna la aqbali doonin in kaalmo la xado ama si khaldan loo adeegsado.

Arrintan ayaa timid kaddib markii dhawaan Mareykanku ku eedeeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya inay si sharci-darro ah u galeen bakhaar ay lahayd hay’adda WFP, isla markaana ay qaateen ku dhowaad 76 tan oo raashin ah oo loogu talagalay dadka danyarta ah.

Kaddib eedeyntaasi, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qiratay mas’uuliyadda dhacdada, waxayna xaqiijisay in dhammaan raashiinkii laga qaaday bakhaarka dib loogu celiyay WFP si buuxda.

Dowladda ayaa sidoo kale ku tilmaantay dhacdadaas “mid nasiib darro ah” oo aan loo baahnayn inay dhacdo.

Dib u bilaabista gargaarka WFP ayaa la filayaa inay wax weyn ka tari doonto xaaladda bani’aadannimo ee dalka, maadaama malaayiin qof oo Soomaaliyeed ay ku tiirsan yihiin kaalmooyinka cunnada iyo taageerada caalamiga ah.

Dowladda Mareykanka ayaa mar kale ku celisay in taageeradeedu ay ku xirnaan doonto hufnaan, isla-xisaabtan, iyo ilaalinta hantida gargaarka, si loo hubiyo in kaalmadu ay gaarto dadka u baahan.

 

 

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 29 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wadahadallada farsamo ee Iran iyo Maraykanku oo ka dhici doona Doha maalmaha soo socda

Ilo xog ogaal ah oo ka tirsan wadahadallada Iiraan...

Madaxweyne Xasan sheekh oo kulan Miro-dhal ah la Qaatay Ra”iisul wasaaraha Itoobiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

RW Xamse“Muqdisho Hub Laguma Dhex Sito”

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay in...

Kenya oo Faahfaahin Ka Bixisay Sababta Loo Masaafuriyay RW Ku-xigeenka Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid

Hay’adaha ammaanka Kenya ayaa faahfaahin ka bixiyay sababaha loo...

Taliyaha Qeybta 54-aad ee Ciidanka Xoogga oo la filayo inuu gaaro Garoowe

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Taliyaha cusub ee...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles