Sunday, March 1, 2026

Ciidamada Huwanta oo deegaanka Yaaqbariweyne ku dilay Maleeshiyaad hubeysan, Kuwo Kalena gacanta ku dhigay

Ciidanka Xoogga Dalka ee Guutada 7aad iyo Taliska Booliska Degmada ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay tuulooyinka Guudaale, Riiglow iyo Yaaq-biriweyne, halkaas oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad jidgooyo u dhigtay waddooyinka ay isticmaalaan gaadiidka xamuulka qaada.

Inta lagu guda jiray howlgalka, ciidanku waxay kusoo qabqabteen maleeshiyaad wadada ku hakiyay baabuurta xamuulka.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyadu ay rasaas ku fureen goob ay jidgooyo uga heysteen gaadiid xamuul ah, xilli ay kusoo bexeen ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Booliska.

Iska caabin kooban oo dhacay kadib, ciidamada ayaa dilay saddex ka mid ah maleeshiyada, halka afar kalena nolol lagu qabtay. Maleeshiyaadka la qabtay ayaa lagu wadaa in loo gudbiyo hay’adaha amniga si maxkamad loo horgeeyo, maadaama hore loogu amray ciidanka in ay soo qabtaan cid kasta oo bulshada caqabad ku noqota.

Taliyaha howlgalka hogaaminayay, Taliye Axmed Gashaan, ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen “2 dhaawac ah, laba fayow iyo hubkoodii, saddexna ay goobta ku naf waayeen.” Isagoo uga digay kuwa kale ee weli dhuumaleysanaya, ayuu yiri:
“Kuwa dhuumaleysanaya waxaan leenahay si sharaf leh isku soo dhiiba.”

Duleedka deegaanka Yaaqbariweyne ayaa waxaa ka socda howlgal culus oo lagu baadi goobayo maleeshiyaad ay xukun dil ah ku riday maxkamada ciidamada qalabka sida.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iiraan oo farriin u dirtay dalalka Gacanka

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Cabbaas Araghchi ayaa sheegay...

Isra’iil oo weerar cusub ku qaaday Iran

Isra’iil ayaa bilowday waxa ay ugu yeertay “weerar ka...

Uganda oo shaacisay inay ciidamadeeda kala baxayso Soomaaliya

Taliska ugu sarreeya ciidamada milatariga dalka Uganda ayaa go’aan...

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koofur Afrika

Alle ha u naxariistee, muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi...

Taalibaan oo diyaar u ah wadahadal si loo soo afjaro dagaalka kala dhaxeeya Pakistan

Maamulka Taalibaan ee Afghanistan ayaa sheegay inay diyaar u...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles