Maxkamadda Racfaanka Galgaduud oo Maanta Dhageysanaysa Kiiskii Dilka Hooyo iyo Saddexdeeda Gabdhood loo geystay

Maxkamadda Racfaanka Gobolka Galgaduud ayaa maanta markale u fariisanaysa dhageysiga dacwadda racfaanka ee loo haysto rag lagu eedeeyay dilka naxdinta lahaa ee lagu dilay Hooyo iyo saddexdeeda gabdhood, kuwaas oo bishii hore lagu dilay deegaanka Qayib ee gobolkaas.

Eedeysanayaasha oo seddex ah, ayaa horey maxkamad darajo hoose ah ugu xukuntay midkiiba 5 sano iyo 3 sano oo xabsi ah, taasoo dhalisay caro iyo muran xooggan oo ka dhex abuurmay bulshada, maadaama dad badan ay u arkeen in xukunkaasi uu aad uga hooseeyo dembiga culus ee la galay.

Maxkamadda Racfaanka ayaa maanta sii wadaysa dhageysiga dooda iyo dib u eegis ku sameyneysa kiiska, si ay u qiimeyso habraacyadii iyo caddaymaha la horgeeyay maxkamaddii hore, iyadoo dhinacyada dacwadda la siiyay fursad ay ku soo bandhigaan dooda iyo racfaankooda.

Goobta dhageysiga ayaa waxaa si weyn loo adkeeyay ammaanka, waxaana ka qeybgalaya xubno ka tirsan maamulka gobolka, saraakiil ciidan, ehelada dhibanayaasha iyo qoysaska eedeysanayaasha.

Kiiskan ayaa noqday mid ay si dhow ula socdaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada ku dhaqan Galgaduud, maadaama uu ka mid yahay dhacdooyinkii ugu murugada badnaa ee sanadkan la diiwaangeliyo.

Garsoorayaasha Maxkamadda Racfaanka ayaa la filayaa in ay go’aanka kama dambaysta ah soo saaraan maalmaha soo socda, marka ay dhageystaan dhammaan dooda dhinacyada iyo caddeymaha cusub ee la horgeyn doono.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 18 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiirka cusub ee difaaca iran oo dignin u diray mareykanka

Wasiirka cusub ee difaaca Iran, Mehrdad Akhlaqi ayaa suxufiyiinta...

RW Xamsa oo la kulmau Safiirka Cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa...

Xamsa oo xil u magacaabay ninkii la tartamay Guddoomiye Jaamac

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa Cabdiqaadir Cumar...

GALMUDUG:-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo labadiisa ku-xigeen oo lagu doortay Dhuusamareeb

Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha...

DFS iyo KGS oo diyaarinaya guluf ciidan oo ka dhan ah xoogagga Lafta-gareen

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaa la...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles