Maxaa looga hadlay kulanka xalay ee Madasha Mucaaradka ay ku yeesheen Muqdisho?

Magaalada Muqdisho ayaa xalay martigelisay kulan muhiim ah oo ay yeesheen siyaasiyiinta Madasha Mucaaradka, kaas oo diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo habka doorasho ee la filayo inuu dalka ka dhaco mustaqbalka dhow.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Xildhibaanada Mucaaradka ee Labada aqalka ee Baarlamaanka Soomaaliya, siyaasiyiin, iyo ururada Bulshada rayidka ah.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in mucaaradku ay si gaar ah uga doodeen nooca doorasho ee dalka laga qaban karo, gaar ahaan haddii uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud mar kale isku soo sharxo kursiga Madaxweynaha.

Qaar kamid ah madaxda mucaaradka ayaa muujiyay walaac ku saabsan sida ay u arkaan in Madaxweyne Xasan Sheekh “uusan muddada kooban ee u harsan ku qaban karin doorasho hufan oo waqtigeeda ku dhacda.”

Khilaafka ayaa salka ku haya arrimo ay ka mid yihiin:-

1-Sida loo wajahayo qaabka doorasho ee xiga

2-In dowladda ay ku adkaatay hirgelinta heshiisyadii hore

3-Iyo muddo xileedka yar ee ka harsan Madaxweynaha oo ay mucaaradku aaminsan yihiin inuusan awood u lahayn inuu dib u habeyn doorasho ku furo dalka.

Sidoo kale, Madasha Mucaaradka ayaa 10-ka December qorsheynaya in ay u safraan magaalada Kismaayo, halkaas oo lagu wado inuu ka furmo shir siyaasadeed oo muhiim ah, kaas oo lagu qiimeyn doono mustaqbalka doorashada iyo mowqifka mucaaradka ee marxaladda taagan.

Kulankan iyo socdaalka la qorsheeyay ee Kismaayo ayaa qeyb ka ah dadaalka mucaaradka ay ku doonayaan inay ku mideeyaan aragtidooda siyaasadeed, xilli uu dalka galayo marxalad siyaasadeed oo aad u xasaasi ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 18 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiirka cusub ee difaaca iran oo dignin u diray mareykanka

Wasiirka cusub ee difaaca Iran, Mehrdad Akhlaqi ayaa suxufiyiinta...

RW Xamsa oo la kulmau Safiirka Cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa...

Xamsa oo xil u magacaabay ninkii la tartamay Guddoomiye Jaamac

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa Cabdiqaadir Cumar...

GALMUDUG:-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo labadiisa ku-xigeen oo lagu doortay Dhuusamareeb

Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha...

DFS iyo KGS oo diyaarinaya guluf ciidan oo ka dhan ah xoogagga Lafta-gareen

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaa la...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles