Ciidamada Itoobiya oo ka baxay Buurhakaba

Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ayaa si rasmi ah uga baxay magaalada Buurhakaba ee gobolka Bay, kaddib in ka badan 12 sano oo ay ku sugnaayeen magaalada, iyagoo door weyn ka qaatay sugidda amniga.

Taliska howlgalka AUSSOM ayaa sheegay in maamulka farsamada ee Saldhigga Hawlgalka Jiida Hore ee Buurhakaba (FOB) si rasmi ah loogu wareejiyay Qaybta 60-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee gobolka Bay.

Saldhiggan ayaa tan iyo sanadkii 2014 waxaa ka howlgalayay Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiya (ENDF), oo qeyb ka ahaa ciidamadii Midowga Afrika ee Soomaaliya.

AUSSOM ayaa sheegtay in wareejinta saldhigga ay qeyb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo amniga ay Soomaalidu hoggaanka u hayso, iyadoo si tartiib-tartiib ah mas’uuliyadaha amniga loogu wareejinayo Ciidamada Amniga Soomaaliya.

Buurhakaba ayaa ah magaalo istaraatiiji ah oo muhiim u ah isku socodka deegaannada Koonfur Galbeed, waxaana bixitaanka ciidamada Itoobiya uu mas’uuliyadda amniga magaalada si weyn ugu wareejinayaa Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo maamulka Koonfur Galbeed.

Dhanka kale, wararka laga helayo howlgalka AUSSOM ayaa sheegaya in Buurhakaba aysan ahayn magaalada keliya ee qorshuhu yahay in laga dhimo joogitaanka ciidamada howlgalka, iyadoo la filayo in ugu yaraan saddex magaalo oo waaweyn ay toddobaadyada soo socda qeyb ka noqdaan qorshaha wareejinta mas’uuliyadaha amniga.

Wareejinta saldhigga Buurhakaba ayaa sidoo kale ku soo beegmaysa xilli Soomaaliya ay dardargelinayso qorshaha ah in ciidamada Soomaaliyeed ay si buuxda ula wareegaan mas’uuliyadda amniga dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Liiska ururada ka qeybgalaya doorashada Galmudug oo la soo saaray

Guddiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa soo saaray liiska ururada siyaasadeed...

JSP oo ku dhawaaqay in Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen uu yahay Musharraxa Hoggaamiyaha Hirshabeelle

Kulanka Guddiga Fulinta ee Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP)...

Taliyaha Milatariga oo la kulamy taliyaha ciidanka gaar ah ee Africom

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

Golaha Shacabka oo Joojiyay Lacagtii $100-ka ahayd ee Xildhibaannada laga Jari Jiray

Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa go’aan ku...

Sacudi Carabiya ayaa joojisay dhuumaha shidaalka ee Badda Cas

Weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drone) lagu qaaday dhuumaha...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles