Ciidamada Ammaanka Puntland ayaa saaka si rasmi ah ula wareegay xaruntii ugu weynayd ee Puntland Security Force (PSF) ku lahayd magaalada Boosaaso, kaddib wadahadallo ay dhinacyo kala duwan yeesheen kuwaas oo socday illaa xalay.
Sida wararku sheegayaan, ciidamada PSF ayaa si nabad ah ugu wareejiyay taliska ciidamada Puntland, waxaana subaxnimadii hore xarunta iyo agagaarkeeda lagu arkayay ciidamada iyo gaadiidka dowladda Puntland oo la wareegay ammaanka goobta.
La wareegista xaruntan ayaa ku soo beegantay 24 saacadood kadib markii ciidamada Puntland ay dagaal kula wareegeen xeradii PSF ee magaalada Gaalkacyo. Waxa kale oo la xaqiijiyay in saraakiil ka tirsanaa xerada Boosaaso, kuwaas oo hore uga baxay Qardho, ay gaareen maamulka gobolka Bari.
Dhanka kale, wararka ayaa sheegaya in ciidamadii Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugnaa xerada Barda-dheere ee magaalada Gaalkacyo ay u guureen dhanka Galmudug.
Horumarradan ayaa imanaya xilli Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, uu muddo 48 saacadood ah u qabtay dhammaan ciidamada aan ka tirsanayn hay’adaha rasmiga ah ee Puntland inay isku soo dhiibaan dowladda, isagoo uga digay tallaabooyin sharci iyo kuwo amni cid kasta oo ka dhega adaygta amarkaasi.
Inkasta oo muddadii loo qabtay aysan weli dhammaan, haddana waxaa socda wada-hadallo iyo dadaallo ay wadaan odayaasha dhaqanka si ciidamadii ku biiray Dowladda Federaalka dib loogu soo celiyo Puntland.
Ciidanka PSF ayaa la aas-aasay sanadkii 2002, waxaana markii hore loo dhisay la dagaallanka argagixisada iyo sugidda amniga Puntland. Sanadihii u dambeeyay waxaa hareeyay khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeyay maamulka Puntland iyo hoggaanka PSF.
Falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa sheegaya in la wareegista xarumaha PSF ay ka dhigan tahay in Madaxweyne Deni uu si weyn u xoojiyay gacan ku haynta hay’adaha amniga Puntland, taasoo laga yaabo inay yareyso caqabadihii siyaasadeed ee gudaha, iyadoo isha lagu hayo doorashada Federaalka Soomaaliya ee soo socota.


