Monday, February 16, 2026

Ciidamada Puntland oo saaka la wareegay Toga Miraale iyo howlgal culus oo socda

Ciidamada difaaca Puntland oo saaka hawlgal qorshaysan ku qaaday togga Miraale ayaa la sheegay in ay si rasmi ah ula wareegeen inta badan difaacyadii firxadka Daacish ee ku sugnaa toga Miraale ee gobolka Bari.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Puntland oo hawlgal lug ah ku galay Miraale ay saaka u suurta gashay in ay difaacyadii ugu muhiimsanaa ee Miraale ka saaraan mileeshiyaadka Daacish ee ku dhuumanayay togga Miraale.

Howlgal culus ayaa waxaa uu weli ka soconayaa toga Miiraale, iyadoona la soo sheegayo in uu dhammaad yahay wejiga saddexaad ee hawlgalka ka socda Buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Puntland ay todobaadkan lagu wado in ay ku dhawaaqdo dhammaadka wejiga saddexaad ee hawlgalka Buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari.

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 15 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare ee CQS oo xukun ku riday rag ku lug lahaa dilal iyo qaraxyo ka dhacay Balad Xaawo

Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa...

Midowga Afrika oo si adag uga horyimid aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Ururka Midowga Afrika ayaa markale adkeeyay sida ay uga...

Turkiga oo maanta Soomaaliya u soo diray Markabka qodista Shidaalka

Muuqaal uu baahiyay Wasiirka Tamarta ee Turkey, Alparslan Bayraktar,...

Shir madaxeedka Midowga Afrika oo weli ka socda dalka Itoobiya

Midowga Afrika oo xaruntiisa ku taalla magaalada Addis Ababa...

Ciidamada Jubbaland oo Burburiyay Warshad Miinooyin oo Al-Shabaab ku lahaayeen Jubbada Hoose

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Jubbaland oo kaashanaya ciidamada...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles