Tuesday, March 3, 2026

Ciidamada Qaranka iyo Uganda oo Al-shabaab kala wareegay deegaanka Sabiid iyo Caanoole

Ciidamada huwanta ayaa maanta dagaal kula wareegay deegaanka Sabiid iyo Caanoole ee Gobolka Shabeellada Hoose oo halkaasi ay ka talinayeen Maleeshiyaadka Al-shabaab.

La wareegista deegaanka ayaa ka dambeeyay kadib markii 15 maalmood uu dagaal iyo duqeymaha ay ka socdeen deegaanka Sabiid iyo Caanoole ee Gobolka Shabeellada Hoose.

Gudoomiyaha Gobolka Shabeellada Hoose Ibrahim Aadan Ali Najah oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay in ciidamada xoogga oo ay kaashanayaan ciidamada AUSSOM ay gacanta ku dhigeen deegaanada Sabiid iyo Caanoole.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa sheegay in Al-shabaab ay mudooyinkii dambe ay dadka ku dhibaateyn jireen deegaankaasi.

Waxaa uu shaaca ka qaaday inay sii wadi doonaan howlgalka ka dhanka ah Maleeshiyaadka Al-shabaab, isagoona shacabka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan ciidamada Qaranka.

Deegaanka Sabiid iyo Caanoole ayaa hadda maamulaya ciidamada Xoogga iyo kuwa Midowga Afrika ee Uganda, iyadoona halkan Miino Baaris ah ka wada deegaanka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 02 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wadahadal la yeeshay Amiirka Qatar iyo Boqorka Urdun

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay James Swan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya  Sheekh Aadan Maxamed...

Howlgal ka dhacay G/Sh/Hoose oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsanaa Al-shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Ciidanka Midowga Afrika...

Dagaalka Bariga Dhexe oo sii xoogeystay maalintii 3-aad

Dagaalka u dhexeeya United States, Israel iyo Iran ayaa...

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo cambaareeyay go’aankii lagu celiyay xildhibaanno u safrayay

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag u cambaareeyay go’aankii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles