Monday, August 3, 2026

Ciidamada Qaranka oo Weerar Culus Ku Qaaday Xubno Ka Tirsan AS, Dagaal Xooggan oo Ka Dhacay Sh. Dhexe

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa deegaanka Guullane ayaa weerar qorsheysan ku qaaday xubno ka tirsan AS oo ku dhuumaaleysanayey deegaanka Laba-garas ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Weerarkan, oo bilowday waaberigii hore ee saakay, ayaa lagu beegsaday maleeshiyaad AS ah oo isku uruursanayay halkaasi, sida ay saraakiisha ciidanku u xaqiijiyeen warbaahinta.

Saraakiisha ayaa sheegay in dagaalku uu socday muddo saacado ah, isla markaana ay ku guuleysteen inay laayaan xubno badan oo ka tirsan AS. Inkasta oo tirada rasmiga ah ee khasaaraha aan la shaacin, haddana ilo-wareedyo amni ayaa xaqiijinaya in AS khasaare culus lagu gaarsiiyay dagaalka.

Dagaalka kadib, ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka ayaa bilaabay hawlgallo ballaaran oo ay ku baacsanayaan xubnaha firxadka ah ee ka badbaaday weerarka. Sida ay saraakiishu sheegeen, firxadka AS ayaa lagu raad-joogaa, waxaana ciidanku wadaan dhaq-dhaqaaqyo lagu xaqiijinayo in maleeshiyaadka baxsaday aanay mar kale dib isugu abaabulin deegaankaasi.

Weerarkan ayaa qeyb ka ah howlgallada joogtada ah ee lagu beegsanayo AS, kuwaas oo dhowrkii bilood ee la soo dhaafay si joogto ah uga socday gobollada dhexe ee dalka, iyadoo ciidamada dowladda ay guulo la taaban karo ka gaareen dagaalka ka dhanka ah kooxaha AS.

Dhinaca kale, wararka ka imanaya duleedka deegaanka Ceelbarwaaqo ee Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in AS ay isku dayeen weerar ay ku qaadaan fariisin ay ciidanka dowladda ku lahaayeen halkaasi. Balse, ciidamada geesiyaasha ah ee halkaas ku sugnaa ayaa si adag u difaacay fariisimahooda, iyagoo AS u dhigay cashar lama ilaawaan ah, sida ay sheegeen saraakiisha dowladda.

Weerarka AS ayaa lagu jabiyay, waxaana ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ay ka hortageen isku daygii maleeshiyaadka, taasoo muujineysa in ciidamada amnigu ay ka feejigan yihiin dhaqdhaqaaqyada AS.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in dagaalku uu wali socdo, islamarkaana ciidamada ay wadaan howlgallo lagu xaqiijinayo amniga deegaannadaasi.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 02 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Shan qof oo ku dhintay doon dab ka kacay dalka Indonesia

Shan qof ayaa dhintay, 41 kalena waa la la'yahay...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Taliyaha TURKSOM iyo saraakiil ciidan oo tagay Baydhabo

Hogaamiyaha maamulka Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)...

Guddiga doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la shaaciyay

Guddoomiyaha Ku-meel-gaarka ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,...

Puntland iyo Mareykanka oo kala saxiixday heshiis lagu ballaarinayo saldhiggeeda Boosaaso

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Magaalada Bosaaso shir...

Askar ka tirsan Puntland oo ku geeriyooday qarax ka dhacay G/Bari

Wararka ka imanaya gobolka Bari ayaa sheegaya in qarax...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles