Saturday, February 21, 2026

Ciidamada RSF ee Suudaan oo ku dhawaaqay dowlad gaar ah

Ciidamada Gurmadka Degdegga ah ee RSF ayaa ku dhawaaqay dhismaha dowlad ka soo horjeedda ciidamada qalabka sida ee dalkaas, iyadoo labo sano uu socday dagaal, kaas oo noqday dhibaatada bini’aadantinimo ee ugu weyn caalamka.

Hoggaamiyaha Ciidamada Gurmadka Degdegga ah (RSF), Maxmaed Xamdaan “Hemedti” Dagalo, ayaa sheegay in kooxdu “ay dhisayso mustaqbalka kaliya ee dhabta ah ee Suudaan”.

Ku dhawaaqista ayaa timid iyadoo London ay martigelisay shir heer sare ah oo lagu xusayay sanadguuradii labaad ee dagaalka Suudaan, halkaas oo xoghayaha arrimaha dibadda ee UK David Lammy uu ku baaqay “dariiq nabadeed”. Dagaalka ayaa socday, iyadoo ciidamadu ay sheegeen inay duqeeyeen fariisimo ay RSF-ta ku lahaayeen duleedka magaalada el-Fasher, taasoo ku qasabtay boqollaal kun inay ka cararaan xerada qaxootiga ee Zamzam.

Hemedti waxa uu sheegay in RSF ay dhisayso “Dowlad sharci ah” oo aysan ahayn dawlad ay shakhsiyaad gaar ahi xukumaan. “Ma raadineyno xukun, laakiin midnimo [ayaan rabnaa], waxaan aaminsanahay in aysan jirin qabiil, gobol, ama diin aan keli ku haysata aqoonsiga Suudaan,” ayuu ku yidhi qoraalkiisa oo la soo dhigay Telegram. Wuxuu intaas ku daray in dowladdiisu ay bixin doonto adeegyada muhiimka ah sida waxbarashada iyo caafimaadka oo keliya ma aha meelaha ay RSF maamusho, balse dalka oo dhan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 20 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Shirkii DFS iyo Golaha Mustaqbalka oo maanta baaqday

Shirkii golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed iyo Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa...

Qarax lagu xiray gaari uu lahaa sarkaal Boolis ah oo ka dhacay Muqdisho

Warar dheeri ah ayaa ka soo baxaya qarax saaka...

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo kala saxiixday heshiis is afgarad ah

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Soomaaliya,  Cabdulqaadir...

Trump oo shaaciyay lacagta uu Mareykanka ku bixinayo dibu dhiska Gaza

Madaxweynaha Mareykanka,Donald Trump, ayaa sheegay in Mareykanku bixin doono...

Q.M oo ku baaqay in Tanaasul ay muujiyaan madaxda DFS iyo hoggaanka Mucaaradka

Qaramada Midoobay ayaa bogaadisay wadahadalladii u dhexeeyay xukuumadda federaalka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles