Wednesday, July 30, 2025

Ciidamada RSF ee Suudaan oo ku dhawaaqay dowlad gaar ah

Ciidamada Gurmadka Degdegga ah ee RSF ayaa ku dhawaaqay dhismaha dowlad ka soo horjeedda ciidamada qalabka sida ee dalkaas, iyadoo labo sano uu socday dagaal, kaas oo noqday dhibaatada bini’aadantinimo ee ugu weyn caalamka.

Hoggaamiyaha Ciidamada Gurmadka Degdegga ah (RSF), Maxmaed Xamdaan “Hemedti” Dagalo, ayaa sheegay in kooxdu “ay dhisayso mustaqbalka kaliya ee dhabta ah ee Suudaan”.

Ku dhawaaqista ayaa timid iyadoo London ay martigelisay shir heer sare ah oo lagu xusayay sanadguuradii labaad ee dagaalka Suudaan, halkaas oo xoghayaha arrimaha dibadda ee UK David Lammy uu ku baaqay “dariiq nabadeed”. Dagaalka ayaa socday, iyadoo ciidamadu ay sheegeen inay duqeeyeen fariisimo ay RSF-ta ku lahaayeen duleedka magaalada el-Fasher, taasoo ku qasabtay boqollaal kun inay ka cararaan xerada qaxootiga ee Zamzam.

Hemedti waxa uu sheegay in RSF ay dhisayso “Dowlad sharci ah” oo aysan ahayn dawlad ay shakhsiyaad gaar ahi xukumaan. “Ma raadineyno xukun, laakiin midnimo [ayaan rabnaa], waxaan aaminsanahay in aysan jirin qabiil, gobol, ama diin aan keli ku haysata aqoonsiga Suudaan,” ayuu ku yidhi qoraalkiisa oo la soo dhigay Telegram. Wuxuu intaas ku daray in dowladdiisu ay bixin doonto adeegyada muhiimka ah sida waxbarashada iyo caafimaadka oo keliya ma aha meelaha ay RSF maamusho, balse dalka oo dhan.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 30/07/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis lagu kordhinayo Ciidamada Jabuuti

War Saxaafadeed, Saxiixa Heshiiska Xaaladda Ciidamada (SoFA) ee u...

Ra’isul Wasaare Xamse oo qaabilay Al Hadji Ibraahima Diene iyo wafdi la socday

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Xuddur

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Netanyahu oo si weyn uga carooday hadalkii kasoo yeeray Dowladda Ingiriiska

Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska, Keir Starmer, ayaa sheegay in Ingiriisku...

Dagaal markale ka qarxay Beledxaawo

Wararka ka imaanaya magaalada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles