DF oo shirkadaha Maraykanka ugu yeertay inay shidaal baaris ka sameeyaan SSC Khaatumo

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Mareykanka, Danjire Daahir Xasan Carab, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in Soomaaliya ay hadda furan tahay, islamarkaana diyaar u tahay sahaminta iyo qodista shidaalka, gaar ahaan deegaanada SSC-Khaatumo.

Danjiraha ayaa fursaddan muhiimka ah u bandhigay shirkadaha tamarta ee Mareykanka, isaga oo ku dhiirrigeliyay inay dib ugu soo laabtaan dalka si ay u sahamiyaan ceelasha shidaalka ee ka buuxa dhulka Soomaaliyeed.

Qoraal uu ku daabacay bartiisa X (hore Twitter), ayuu Danjiruhu ku sheegay in dowladda Soomaaliya ay qaaday tallaabooyin muhiim ah oo ka saaray caqabadihii sharciyeed iyo amni ee horay u hor istaagay howlaha shidaal-baarista.

Waan ku faraxsanahay inaan ku dhawaaqo in Soomaaliya si rasmi ah ay ugu furan tahay qodista shidaalka. Waxaan ku martiqaadayaa shirkadaha tamarta ee Mareykanka inay dib ugu soo laabtaan dalka,” ayuu yiri Safiirku.

Wuxuu sidoo kale sheegay in maamulka cusub ee SSC-Khaatumo oo hadda si rasmi ah loogu aqoonsaday dawlad xubin ka ah Dowladda Federaalka, ay sahleyso in laga fuliyo dhulkeeda mashaariic horay hakad u galay.

“Ka qaadista xaaladdii ‘force majeure’ waxay xaaladda u sahlaysaa in si buuxda loo bilaabo sahamin iyo qodis shidaal oo ka dhacda dooxada hodanka ku ah khayraadka ee Nugaal Valley Basin,” ayuu hadalkiisa ku daray safiirku.

Soomaaliya waxay leedahay dhul istaraatiiji ah oo xeebihiisu ka mid yihiin kuwa ugu dheer Afrika, kana hodan ah shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ukraine oo wajahaysa ‘jiilaalkii ugu adkaa’ tan iyo markii Ruushku kusoo qaaday duullaanka baaxadda leh

Ukraine ayaa wajahaysa "jiilaalkeedii ugu adkaa" tan iyo markii...

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

Dable Xoogga Maxamuud Axmed Faarax Kabtan Dhashiike, ayaa lagu...

Madaxweynahe xasan sheekh oo daahfuray barnaamijka abuur iyo sannad-tacliimeedka 2026/2027 ee waxbarashada sare ee dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo guddoomiyey kulanka xisaabtanka sanadlaha ah ee Xukuumadda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre...

Shir madaxeedka dalalka BRICS oo doodiisa ay hareeyeen go’aamada masaxweyne Trump

Mareykanku ma aha xubin ka tirsan ururka BRICS, balse...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles