Saturday, April 11, 2026

Ciidamada Ukraine oo sheegay in 13 diyaaraha aan duuliya lahayn ee Ruushka la soo riday

Ruushka ayaa xalay habeenimadii waxa uu Ukraine ku weeraray 16 diyaaradood oo ah kuwa aan duuliyaha laheyn iyo saddax gantaal oo nooca balaastiga ah kuwaas oo lagu sheegay in ay ahaayeen nooca Iskander-M iyo gantaal kale oo noociisu yahay Iskander-K, sida lagu sheegay warbixin ay saaka soo saartay wasaaradda difaaca diyaaradaha ee Ukraine.

Qoraalka ayaana lagu sheegay in 13 diyaaradood oo ah nooca aan duuliyaha lahayn la soo riday.

Weeraradaan ayaa laga fuliyay gobolada Kharkov, Poltava, Sumy iyo Kyiv.

Sidoo kale maamullada ciidamada ee gobolladaan ayaa sheegay in haraadiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee weerarka loo adeegsaday ay ku soo dhaceen gobolka Sumy, gaar ahaan xarunta kaabayaasha tamarta.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 10 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh “Kheyraadka dalkeenu waxa uu noqon doonaa mid dadkeenna hormariya”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa...

MW Xasan Sheekh oo kulan la qaatay wasiirka Tamarta Turkiga oo yimid Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada...

Shacabka Jabuuti oo maanta u dareeray doorashada madaxtinimada

Shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa maanta oo Jimce ah si...

Itoobiya oo gacanta ku dhigtay magafe Soomaali ah oo dadka Tahriibiyay

Booliiska Itoobiya ayaa xiray nin lagu eedeeyay inuu udub...

Tahriibiyaal ku geeriyooday Faransiiska

Ugu yaraan 4 qof oo muhaajiriin ah ayaa ku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles