Shacabka Jabuuti oo maanta u dareeray doorashada madaxtinimada

Shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa maanta oo Jimce ah si weyn ugu dareeray goobaha codbixinta, si ay u doortaan madaxweynaha hoggaamin doona dalka shanta sano ee soo socota.

Doorashadan madaxtinimo ee sanadka 2026-ka ayaa waxaa ku loolamaya laba musharax oo kala ah Madaxweynaha xilka haya Ismaaciil Cumar Geelle oo u tartamaya xisbiga UMB (Isbahaysi ay ku mideysan yihiin shan xisbi siyaasadeed), iyo musharaxa mucaaradka ah Maxamed Faarax Samatar oo ka socda xisbiga CDU.

Ololaha doorashada oo muddo socday ayaa maanta geba-gebo maraya, iyadoo codbixiyeyaashu ay ka codeynayaan ilaa 413 goobood oo ku kala yaalla guud ahaan dalka. Guddiga doorashooyinka ayaa sheegay in goobaha codbixintu ay furnaan doonaan ilaa 6-da maqribnimo, halka natiijooyinka hordhaca ah la filayo in lagu dhawaaqo saqda dhexe ee caawa.

Musharaxa ku guuleysta doorashadan ayaa si rasmi ah u hoggaamin doona dalka Jabuuti muddo shan sano ah, taasoo go’aamin doonta jihada siyaasadeed ee dalka sanadaha soo socda.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ah musharaxa ugu cadcad doorashadan, isagoo dalka hoggaaminayay tan iyo sanadkii 1999-kii, halka musharaxa mucaaradka uu doonayo isbeddel siyaasadeed oo cusub.

Doorashadan ayaa si weyn isha loogu hayaa, iyadoo lagu qiimeynayo heerka dimuqraadiyadda iyo hannaanka doorasho ee dalka Jabuuti

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 20 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Fiqi oo kulan la yeeshay saraakiil ciidan iyo Danjiraha Masar ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Aadan Madoobe oo la shiray saraakiisha ciidamada Qeybta 60-aad

Hoggaamiyaha maamulka Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)...

Golaha Mustaqbalka oo Dalabyo Caalami ah u Gudbiyay Beesha Caalamka iyo Q.M

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xubnaha mucaaradka ah...

ICG oo digniin culus ka soo saartay kala guurka Amni ee ku soo socda Soomaaliya iyo halista AUSSOM

Warbixin cusub oo ay soo saartay International Crisis Group...

MW Xasan Sheekh oo Kulan la qaatay Cali Guudlaawe

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan la...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles