Ciidamo taabacsan Laftagareen oo diiday doorasho ka dhacda Baydhabo

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in xaalad siyaasadeed iyo mid amni ay ka aloosan tahay halkaasi, kadib markii ciidamo taabacsan Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ay si cad u diideen in doorasho ay ka dhacdo magaalada oo ay qabato Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ciidamadan ayaa la sheegay inay ku hubeysan yihiin gaadiid dagaal oo tiro badan, iyagoo sidoo kale ku hanjabay in aanay suuragal ahayn in diyaarado ay ka soo degaan Baydhabo, haddii ay la xiriiraan qorshaha doorashooyinka.

Ciidamada ayaa fariin adag u diray Dowladda Federaalka, iyagoo sheegay in aan Baydhabo lagu maamuli karin go’aanno ka yimaada Muqdisho.

Taliyihii hore ee ciidamada Koonfur Galbeed, Isaaq Cali Isaaq (Meedeey), ayaa sheegay in amniga Baydhabo uu gacanta ka baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wuxuu intaas ku daray in hubkii la geeyay Muqdisho aan dib loo celin doonin, taas oo sii kordhin karta xiisadda.

Xiisaddan ayaa noqon karta caqabad cusub oo soo wajahda Dowladda Federaalka, gaar ahaan xilli dalka uu wajahayo muran ku saabsan hannaanka doorashooyinka.

Waxaa jira cabsi laga qabo in xaaladdu isu beddesho isku dhac ciidan haddii aan xal degdeg ah laga gaarin.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 26 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

RW Xamsa oo u safray Qatar

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa...

Guddiga Doorashada oo aqbalay go’aanka Maxkamadda Sare ee laashay doorashadii Galmudug

Guddiga lagu muransanyahay ee doorashada ayaa goordhow ku dhawaaqay...

Itoobiya oo badeshay ciidamadeeda ku sugnaa Baydhabo iyo kuwa cusub oo ay geysay Magaalada

Dowladda Itoobiya ayaa la sheegay inay beddeshay dhammaan ciidamadii...

Burburin iyo barakac xooggan oo ka socda Buulo Eelay, Muqdisho oo wajahaysa qax

Burburin iyo barakac ayaa xalay saqdii dhexe ka bilowday...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho kula kulmay Wasiirka UK u qaabilsan Afrika

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Muqdisho kulan kula...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles