Tuesday, February 17, 2026

Ciidanka ammaanka Puntland oo burburiyay Fariisimo Daacish kulaheyd Gobalka Bari

Maamulka Puntland ayaa si xooggan ugu sii fiday howlgallada ka dhanka ah kooxda Daacish, kuwaas oo dhawaanahan ka socda gobolka Bari ee Puntland.

Ciidamada ammaanka ee degaannada Puntland ayaa burburiyey ugu yaraan shan talis oo ay Daacish ku lahaayeen dhulka Buuraleyda ee gobolka Bari.

Howlgalka ugu dambeeyay ayaa ka dhacay Togga Il-cameyro ee buuralayda Cal-miskaad, halkaas oo lagu burburiyey goobihii ay kooxda Daacish ku dhuumaaleysan jireen, waxaana laga helay hub iyo saanad ay kooxdaas ka carareen.

Ciidamadu waxay sidoo kale ku guuleysteen inay soo ridaan diyaarado Drones ah oo ay sheegeen saraakiishu in Daacish u isticmaalayeen inay ciidanka Puntland ku basaasaan, iyaga oo adeegsanayay tiknoolajiyadda si ay u ogaanayaan dhaqdhaqaaqyada ciidamada.

Howlgallada culus ee ka socda gobolka Bari ayaa weli socda, waxaana saraakiishu ay sheegayaan inay qorsheynayaan in dagaalka ka dhanka ah Daacish la laba jibbaari doono.

Dagaallo hore oo ka dhacay Buuraha gobolka Bari ayaa lagu dilay xubno badan oo ka tirsanaa Daacish, waxaana sidoo kale dagaalkaas ka dhashay dhimasho iyo dhaawac ay ka mid ahaayeen ajaanib badan oo ka yimid dalalka Carabta.

Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa si adag uga go’an in ay ka hortagaan kooxda Daacish, iyaga oo sii wada tallaabooyinka lagu xakameynayo xubnaha kooxda ee ku dhuumaaleysanaya buuraleyda gobolka Bari.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 16 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Golaha Mustqablka Soomaaliyeed oo kulamo ka wada Muqdisho

Kulan xasaasi ah ayaa haatan waxaa uu u socdaa...

Lafta gareen oo shir xasaasi ah la qaatay saraakiisha Koofur Galbeed

Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa...

Wasiir Fiqi oo kulan la qaatay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Macallin Fiqi...

Soomaaliya iyo Tanzania oo heshiis is afgarad ah kala saxiixday

Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Jamhuuriyadda Midowga ee...

Baarlamaanka oo maanta dood ka yeeshay Dastuurka

Waxaa maanta si rasmi ah u furmay kulanka 17-aad...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles