Sunday, May 10, 2026

Madaxweyne Xasan Sheikh oo kampala ka Qeyb-Galay Shirka Hormarinta Beeraha Africa (CAADP)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Kampala ee dalka Uganda, halkaas oo uu kaga qeyb galay shirka sare ee Barnaamijka Horumarinta Beeraha Afrika (CAADP).

Madashan oo maalmahan ay fadhiyeen Wasiirrada Beeraha dalalka Afrika ayaa haatan Madaxdu waxay ka wada hadleen fulinta qorsheyaasha iyo talooyinka la soo saaray ee ku aaddan horumarinta wax soo saarka beeraha, kor u qaadista dhaqaalaha iyo xaqiijinta amniga cunno ee Qaaradda Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad muhiim ah ka jeediyay shirka ayaa soo bandhigay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in la horumariyo wax soo saarka beeraha iyo in laga faa’iideysto kheyraadka dabiiciga ah ee dalka.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo wafdigiisa ayaa kulan-doceedyo la qaatay dhiggooda dalalka ka soo qeyb-galaya shirkan, si loo xoojiyo doorka diblomaasiyadeed ee dalkeennu uu ka qaadanayo Qaaradda.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 10 05 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweynaha JFS oo ka hadlay Xaaladda Guud ee Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

DFS iyo Beesha Caalamka oo ka wadahadlay arrimaha amniga

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda  Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa...

DFS oo mucaaradka ku eedeysan inay abaabulayaan banaanbax rabshado wata

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in aanay diidaneen dibadbax...

Shacabka Koofur Galbeed oo saaka doorasho u dareeray

Deegaannada Dowlad Goboleedka Koofur galbeed Soomaaliya ayaa saaka looga...

Mucaaradka oo aqbalay in Bannaanbaxa lagu qabto Garoonka Injineer Yariisow

Siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya ayaa ugu dambeyn aqbalay in bannaanbaxooda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles