Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka oo kormeeray Wasaaradda Amniga iyo Hay’adda Socdaalka.

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kormeer shaqo ku tagey xarumaha Wasaaradda Amniga Gudaha iyo Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, isagoo u kuurgalay habsami u socodka howlaha shaqo iyo adeegyada ay shacabka Soomaaliyeed u hayaan.

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka, ayaa ka dhageystay masuuliyiinta Wasaaradda iyo Hay’adda Socdaalka ee uu kormeeray, warbixinno kala duwan oo la xiriira, howlaha shaqo ee ay Qaranka u hayaan, gaar ahaan dhinacyada Amniga iyo Socdaalka.

Mudane Saalax ayaa ku bogaadiyey masuuliyiinta iyo hawlwadeennada Wasaaradda Amniga Gudaha iyo Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda shaqooyinka ay dalka u hayaan, waxa uuna kula dardaarmay in ay sii dardargeliyaan howlaha horyaalla, maadaama ay muhiim u yihiin amniga guud ee dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Taliyaha Booliska Nigeria “Nabad la’aanta Soomaaliya waxay saameyneysaa Nigeria”

Taliyaha Cutubka Booliska Nigeria ee howlgalka Midowga Afrika ee...

Ciidamada Kenya oo ka hortagay weerar Al-Shabaab ay ka geysteen xuduudda Soomaaliya

Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) oo roondo ka waday deegaanka...

Xasan Sheekh, Xamse iyo Mahad oo xalay kulan yeeshay iyo go’aan laga gaaray Doorashada Galmudug

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xalay kulan uu...

RW Xamsa oo ku wajahan Qatar iyo Soomaaliya oo Dooxa ka dalbanaysa taageero dheeraad ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, iyo...

Guddoomiye Jaamac oo si kulul uga hadlay muranka dhulalka Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa si...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles