Ciidanka Amniga Puntland ayaa maanta hawlgal amni ka bilaabay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, iyagoo sheegay in lagu bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad hubaysan oo lagu eedeeyay inay khatar ku yihiin amniga, xasilloonida iyo kala dambeynta Puntland.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay soo saareen mas’uuliyiinta amniga, hawlgalkan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo sugidda amniga, ilaalinta shacabka iyo ciribtirka kooxaha hubaysan ee falalka amni-darrada ah ka geysta deegaannada Puntland.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in hawlgalku weli socdo, islamarkaana ciidamada ay u fulinayaan si waafaqsan sharciga iyo habraacyada u degsan hay’adaha amniga.
Ciidanka Amniga Puntland ayaa sidoo kale sheegay in tallaabooyin sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo lagu helo inay ku lug leedahay falal amniga wax u dhimaya, iyagoo adkeeyay in aysan jiri doonin wax dulqaad ah oo loo muujinayo koox ama shaqsi kasta oo halis gelinaya nabadda iyo xasilloonida Puntland.


