Thursday, February 19, 2026

Ciidanka Xoogga oo hawlgal qorshaysan ka fuliyey deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose

Ciidamada Gaarka ah ee CXD ayaa xalay howlgal qorshaysan ka fuliyay deegaanka Buula Madiina ee hoostaga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay ku dileen saddex xubnood oo ka tirsan maleeshiyaadka AS Al-Shabaab.

Intii uu howlgalka socday, Ciidamadu waxay ku guuleysteen inay dib ugu soo celiyaan xorriyadooda 30 qof oo ay ku jiraan laba dumar ah, kuwaas oo AS ay ku haysteen afduub. Sidoo kale, waxaa la burburiyay xabsigii iyo maxkamad beenaadkii ay AS ku dhibaatayn jirtay dadka rayidka ah.

Howlgalkan wuxuu qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka ay ku baacsanayaan kooxaha AS ah, si loo xaqiijiyo amniga shacabka iyo xasilloonida guud ahaan dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 18 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiirka Tamarta oo qaabilay agaasimaha cusub ee WFP u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS),...

Wasaaradda amniga oo la wareegtay qalab ciidan oo loogu talagalay Ciidanka Haramcad

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi...

Guddoomiyaha Hey’adda SoDMA oo diray qeylo-dhaan culus oo ku aaddan abaarta daran ee ka jirta guud ahaan dalka

Kulanka Agaasimeyaasha iyo u qaybsanayaasha Warbaahinta iyo Xiriirka Hey’adaha...

Muxuu Erdoğan ka yiri aqoonsiga Somaliland ee Israa’iil?

Madaxweynaha Recep Tayyip Erdoğan ayaa sheegay in aqoonsiga hal...

RW Xamsa oo la kulmay Axmed Madoobe iyo Deni

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles