Monday, April 6, 2026

Ciidanka Xoogga oo howlgal ku dilay xubno ka tirsanaa Al-shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgallo amni oo lagu sifeynayay maleeshiyaadka Al-shabaab ee ku dhuumaaleysanayay deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Intii uu howlgalka socday, waxaa lagu dilay afar (4) xubnood  oo ka tirsanaa Al-Al-shabaab , kuwaas oo ku howlanaa aasin miinooyin ay doonayeen in ay waxyeello ugu geystaan shacabka Soomaaliyeed ee adeegsada waddooyinka deegaanka.

Ciidamada Qaranka waxaa ka go’an ciribtirka maleeshiyaadka argagixisada ee khatarta ku ah amniga shacabka iyo isu-socodka waddooyinka, si muwaadiniinta Soomaaliyeed u helaan nabad iyo amni la isku halleyn karo.

Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay mar kale adkeynayaan in howlgallada ka dhanka ah argagixisada ay sii socon doonaan ilaa laga xaqiijiyo amni, xasillooni, iyo nabad waarta guud ahaan dalka.

WARARKII KALE

DFS oo war ka soo saartay duqeyn ka dhacday G/Baay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in Ciidanka Qaranka, oo...

DFS oo war ka soo saartay shidaal qodista ka bilaabanaysa dalka

Wasiiru dowladaha Xukuumadda Soomaaliya Cali Cumar ayaa qoraal uu...

Khasaare ka dhashay gantaallo ay Iraan ku weerartay Israa’iil

Iiraan ayaa labo gantaal ku garaacday magaalooyin ku yaala...

Wasiirka Tamarta Turkiga oo ku soo wajahan Muqdisho

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Alparslan Bayraktar...

Mareykanka, Iiraan, iyo dhexdhexaadiyayaal oo ka wada hadlaya xabad joojin

Warbaahinta Axios ee Mareykanka ayaa soo xigatay afar ilo...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 05 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles