Sunday, March 1, 2026

Ciidanka Xoogga oo soo bandhigay hub farabadan oo AS laga qabsaday

Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland oo saaka Al-Shabaab kula dagaalamaya Jubbada Hoose ayaa soo bandhigay hub aad u farabadan oo ay ku qabsadeen dagaal ka dhacay degaan hoos yimaada Afmadow.

Sawirro iyo Muuqaallo lagu baahiyay warbaahinta dowladda ayaa waxaa ka muuqday hub aad u farabadan oo ka kooban noocyo kala duwan, waxaana Saraakiisha horkacaysay dagaalkas ay sheegen in guulo waa weyn ay ka gaareen dagaalka ka dhacay Harboole oo ka tirsan Jubbada Hoose.

Saraakiishu waxaa ay sheegeen in Ciidanka Xoogga Dalka ay saaka fashiliyeen weerar AS ku dooneysay in ay ku qaadaan deegaanka Harboole, waxaaan intaas ay ku dareen inay gaarsiiyeen khasaare lixaad leh.

Deegaanka Harboole oo ah meesha uu weerarka ka dhacay ayaa u dhexeeyo degmada Afmadow iyo deegaanka Janaay Cabdalle, waxaana marta waddo muhiim u ah oo isku xirta gobolka Jubbada Hoose iyo gobolka Jubbada Dhexe, halkaas oo maalmo kahor laga fara maroojiyay AS.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iiraan oo farriin u dirtay dalalka Gacanka

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Cabbaas Araghchi ayaa sheegay...

Isra’iil oo weerar cusub ku qaaday Iran

Isra’iil ayaa bilowday waxa ay ugu yeertay “weerar ka...

Uganda oo shaacisay inay ciidamadeeda kala baxayso Soomaaliya

Taliska ugu sarreeya ciidamada milatariga dalka Uganda ayaa go’aan...

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koofur Afrika

Alle ha u naxariistee, muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi...

Taalibaan oo diyaar u ah wadahadal si loo soo afjaro dagaalka kala dhaxeeya Pakistan

Maamulka Taalibaan ee Afghanistan ayaa sheegay inay diyaar u...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles