Sunday, February 9, 2025

Wafdi uu horkacayo Joseph Ntakirutimana oo dalka soo gaaray

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka BJFS Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo ay wehliyaan xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee baarlamaanka dalka ayaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cabdulle kusoo dhoweeyay wafdi uu hogaaminayo guddoomiyaha baarlamaanka Urur Goboleedka  Bulshada Bariga Afrika Joseph Ntakirutimana iyo wafdi uu hogaaminayo oo maanta soo gaaray Magaaladda Muqdisho ee caasimadda Dalka.

Habdhowraha Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka dalka Senator Zamzam Cabdullaahi ayaa xubnaha wafdiga ee ka socday baarlamaanka urur goboleedka bulshada bariga Afrika kusoo dhoweysay Magaaladda Muqdisho.

Intaasi ka dib guddoomiyaha baarlamaanka ee Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika Joseph NTAKIRUTIMANA oo gudaha garoonka warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay in uu ku faraxsanahay imaanshihiisa Soomaaliya isaga iyo wafdigiisa,mudada uu joogana uu kulamo la qaadan doono guddoonka baarlamaanka iyo xildhibaanadda labada Aqal.

Guddoomiye kuxigeeenka labaad ee golaha shacabka BJFS Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo guddoomiyaha baarlamaanka Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika Joseph NTAKIRUTIMANA iyo wafdigiisa kusoo dhoweeyay dalka ayaa sheegay in ay casuumad rasmi ah ka heleen guddoonka baarlamaanka dalka.

Sidoo kale Guddoomiye kuxigeeenka labaad ee golaha shacabka BJFS ayaa sheegey in baarlamaanka Soomaaliya uu ku guda jiro xulista xubnaha Soomaaliya ku matali doona Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Bulshada Bariga  Joseph NTAKIRUTIMANA waxaa safarkiisa ku wehliya Xildhibaan Iman Falhada Dekow,John N. Mutega oo ah habdhowre kuxigeenka Baarlamaanka bulshada Bariga Afrika iyo Nicodemus Ajak oo ka tirsan qeybta xiriirka dadweynana.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 08/02/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha SODMA oo gaaray dalka Kuwait

Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka ee SoDMA,...

Dowladda Soomaaliya oo Aroos Dhigaysa Lammaane Katirsanaa Al-Shabaab

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa isku guurinaysa lammaane mid ka...

Madaxweyne Xasan oo ka qeyb galay shir Muhiim Ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xamaas oo maanta ah sii deyneysa 3 la heyste oo Israa’iiliyiin ah

Xamaas ayaa Sabtida maanta ah sii deyneysa 3 la...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 07/02/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles