Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Gen. Khaalid), oo howlo shaqo u jooga magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa kormeer shaqo ku tegay fariisimaha kala duwan ee ay ku sugan yihiin Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Taliyaha ayaa kormeerkiisa ku soo maray fariisimaha iyo baraha ay ciidamada ku sugan yihiin, isagoo u kuurgalay xaaladda guud ee ciidamada iyo habsami u socodka howlaha shaqo ee ay u hayaan qaranka.
Intii uu kormeerka ku guda jiray, ayuu Taliyuhu saraakiisha ciidamada ka xog-wareystay xaaladda guud ee amniga, isagoo sidoo kale warbixinno ka dhageystay saraakiisha ku sugan fariisimaha kala duwan.
Sidoo kale, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa saraakiisha iyo ciidamada uga mahadceliyay dadaalka ay ku bixinayaan sugidda amniga goobihii ay Ciidamada Midowga Afrika ee AUSSOM ku wareejiyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Wuxuu ku bogaadiyay ciidamada gudashada waajibaadkooda shaqo iyo dadaalka ay ugu jiraan ilaalinta amniga bulshada, taas oo ay dhaarta u mareen.


