Erdogan oo qaaday tallaabo halis ah

Warbaahinta Turkiga ayaa sheegtay in madaxweynaha dalkaas, Recep Tayyip Erdogan, uu si rasmi ah u ansixiyey heshiis difaac oo wadajir ah oo dhexmaray Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga.

Tallaabadan ayaa timid kaddib markii baarlamaanka Turkigu uu heshiiska ansixiyey horraantii bishan Nofeembar, taas oo dhammaystirtay hannaankii sharci ee lagu meelmarinayey.

Saddexda dal ayaa heshiiskan difaaca wadajirka ah ku kala saxiixday magaalada Maka ee Sacuudiga bishii August ee sannadkan.

Dalalkan ayaa sidoo kale lagu wadaa inay maalmaha Jimcaha iyo Sabtida shir madaxeed ku yeeshaan magaalada Islamabad ee dalka Pakistan.

Baarlamaanka Turkiga ayaa heshiiska ansixiyey 5-tii Nofeembar, taas oo Ankara u suurtagelinaysa inay taageero milatari siiso Riyadh, iyadoo la raacayo qodobada heshiiska.

Sida ku cad heshiiska, weerar lagu qaado mid ka mid ah saddexda dal ayaa loo aqoonsanayaa weerar lagu qaaday dhammaantood.

Xildhibaan ka tirsan xisbiga talada haya ee Turkiga ayaa bishii hore wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in baarlamaanka la horgeyn doono hindise sharciyeed oggolaanaya in heshiiskan lagu salayn karo dirista ciidamo Turki ah oo la geeyo Sacuudiga.

Turkiga ayaa leh ciidanka labaad ee ugu weyn dalalka xubnaha ka ah isbahaysiga NATO.

WARARKII KALE

Ciidamada Itoobiya oo qaaday tallaabo loogu hortagayo maleeshiyaadka Lafta gareen

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta...

Somaliland oo ciidamo dheeraad ah u dirtay gobolka Awdal

Xukuumadda Somaliland ayaa go’aansatay in ciidamo dheeraad ah oo...

Taliyeyaasha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Dhulka oo kulamo amni ka wada Baydhabo iyo Baraawe

Taliyeyaasha sare ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa kulamo...

Uganda oo ku hanjabtay in ciidamadeeda ay la baxayso

Uganda ayaa ku dhawaaqday inay ciidamadeeda kala baxayso magaalada...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 26 11 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo sheegay waxa ugu weyn ee ay ka filayaan Eritrea

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, ayaa sheegay in Itoobiya...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles