Taliyeyaasha sare ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa kulamo iyo kormeerro ciidan ka kala wada magaalooyinka Baydhabo iyo Baraawe, kuwaas oo diiradda lagu saarayo xaaladda amniga, diyaar-garowga ciidamada iyo qorshayaasha hawlgallada milatari ee Koonfur Galbeed.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, halkaas oo uu kulamo kula yeeshay saraakiisha ciidamada iyo hoggaanka maamulka Koonfur Galbeed.
Kulamada Baydhabo ayaa looga hadlay xaaladda guud ee amniga gobolka, isku-duwidda ciidamada iyo dardargelinta hawlgallada ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab. Sidoo kale, Taliyaha ayaa warbixinno ka dhageystay saraakiisha ciidamada ee halkaas ku sugan.
Dhanka kale, Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa isaguna kulamo iyo kormeer ciidan ka wada magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Taliyaha ayaa la kulmay saraakiisha ciidamada ku sugan Baraawe, isagoo diiradda saaraya qiimeynta awoodda iyo diyaar-garowga ciidamada, xaaladda amniga iyo qorshayaasha lagu sugayo deegaannada ku xeeran magaalada.
Dhaqdhaqaaqyadan saraakiisha sare ee milatariga ayaa imanaya xilli ay Koonfur Galbeed ka jiraan isbeddello amni iyo kuwo siyaasadeed, iyadoo magaalada Baydhabo iyo deegaannada gobolka Baay ay ka jiraan xiisado iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan.
Sidoo kale, Baraawe ayaa ah magaalo muhiimad gaar ah u leh maamulka Koonfur Galbeed, waxaana halkaas ka socda dadaallo la xiriira xoojinta joogitaanka iyo awoodda ciidamada dowladda Soomaaliya


