Saturday, November 15, 2025

Shabaabkii Weraray Buulo Xaaji oo cirka laga duqeeyey

In ka badan 200 oo dagaalyahano ka tirsanal shabaab oo isugu jiray kuwii ku dhaawacmay weerarkii saaka iyo kuwo firxad ah ayaa duqeyn dhanka cirka ah waxaa la eegtay saaxiibada Soomaaliya ka caawiya dhinaca la dagaalanka Argagixisada sida lagu sheegay war ka soo baxay Jubbaland.

“Deegaan lagu magacaabo Dalaayad oo qiyaas ahaan 18-KM degmada Badhaadhe u jira ayaa lagula eegtay duqeynta maleeshiyaadka Argagixisada oo jahwareer badan uu ka muuqday ka gadaal mucjisadii saaka ku qabsatay deegaanka Buulo-Xaaji ee gobolka Jubada hoose” ayaa lagiu yiri war ka soo baxay Jubbaland.

Hay’adaha amniga Jubbaland ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in weerarka dhanka cirka ah ee Al shabaab lala eegtay uu sababay khasaaro xooggan oo la gaarsiiyay kooxda.

Al shabaab ayaa saaka si xooggan loogu jebiyey weerar ay ku soo qaadeen degaanka Buulo Xaaji  oo dhowaan laga qabsaday, waxaana hallkaas looga dilay ku dhowaad 100 dagaalyahan halka qaar kale nolosha lagu qabtay, waxaana sawirada meydadka Al shabaab lagu faafiyey baraha bulshada.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 11 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Bandhigga Todobaadka Nabadda oo lagu soo gabagabeeyay Gaalkacyo

Qaar kamid ah maamulka Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Puntland...

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo loo doortay Guddoomiyaha golaha sharci dejinta Baarlamaanada EAC

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Mareykanka oo ku baaqay in la joojiyo hubka loo gudbinayo RSF

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Marco Rubio, ayaa ku...

Booliska oo faah-faahin ka bixiyay dilkii Gaalkacyo loogu gaystay gabadh yar

Saacadihii la soo dhaafay waxaa magaalada Gaalkacyo ee gobolka...

Xamas oo si tartiib tartiib ah ula wareegaysa Qasa

Xamaas ayaa kordhinaysa la wareegidda maamulka Gaza oo muddooyiinkii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles