Friday, November 7, 2025

Israel oo u diyaargaroobeysa howlgal weyn ay ka fuliso Khan Yunis

Ciidamada Israel ayaa u sheegay Falastiiniyiinta in ay ka guuraan bariga xaafadaha Khan Yunis ee koonfurta Gaza kaddibna ay aadaan dhinaca Al-Mawasi. Waxay isu diyaarinayaan ciidanka in ay qaadaan wax ay ku tilmaameen weerarkii ugu weynaa iyagoo ka jawaabaya dhaqdhaqaaqyada ciidan ee goobtaas laga fuliyay.

Hadal ay soo saareen ciidamada ayey ku sheegeen in gantaallo laga soo riday halkaas ay ku dhaceen Israel. Goobtaas waxay ka mid tahay meelaha bani’aadannimada ee Israel sheegtay in ay rayidka tagaan.

Arintan ayaa ku soo aaday sida Israel ay sheegtay markii ay heleen xog ku saabsan in Xamaas ay kaabayaal ka sameysatay goobtaas. Sidoo kale Israel waxay sheegtay in ay Xamaas ay shacabka ku dhex dhuumanayaan.

Wakaaladda wararka Falastiin, WAFA, ayaa sheegtay in isla markii ay ciidamada soo saareen digniinta ay bilaabeen duqeyn xoog leh, mana siin waqti ay rayidka isugu diyaariyaan in ay baxaan taasna waxay keentay dhimashada ugu yaraan 27 qof iyo dhaawac badan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 06 11 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Kooxda Degmada howlwadaaag oo ku guuleysatay tartanka degmooyinka gobolka banaadir

Waxaa goordhow soo gaba-gaboobay ciyaartii kama dambaysta ahayd ee...

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...

Howlgal lagu dilay Horjoogihii Al-shabaab u qaabilsanaa Maaliyada degmada Daynuunaay

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 47aad Guutada...

Kooxda TPLF oo weerar culus ku qaaday gobolka Canfarta

Koox ka tirsan ciidamada TPLF ayaa gudaha u galay...

Madaxweynaha Eriteriya: “Soomaaliya waa in ay ilaashato xeebaheeda”

Madaxweynaha Eriteriya, Isaayaas Afwerq oo waraysi siiyay warbaahinta Qaahira...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles