Tuesday, June 23, 2026

Shir looga hadlay amniga oo ka dhacay Baydhabo

Hoggaamiyaha maamulka Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa gudoomiyey shir muhiim ah oo looga hadlayay xaqiijinta amniga deegaannada Koonfur Galbeed, gaar ahaan xarunta ku-meel-gaarka u ah Dowladda Koonfur Galbeed ee Magaalada Baydhabo.

Shirka waxaa ka qeyb galay Wasiirka Amniga Dowladda Koonfur Galbeed, saraakiisha kala duwan ee ciidamada ammaanka, Guddoomiyaha Gobolka Baay iyo Guddoomiyaha Degmada Baydhabo.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta amniga guud, dardargelinta wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo maamulka, sare u qaadidda feejignaanta ciidamada, iyo sidii loo adkeyn lahaa qorshayaasha lagu ilaalinayo nabadda, xasilloonida iyo badqabka shacabka.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Shekh Aadan Maxamed Nuur (Maadobe) ayaa faray hay’adaha amniga inay sii laba jibbaaraan dadaallada ay ugu jiraan sugidda amniga, ka hortagga falalka lidiga ku ah nabadgelyada iyo ilaalinta shacabka, isagoo ku adkeeyey in si dhow la iskula shaqeeyo si loo xaqiijiyo amni waara iyo xasillooni ka hanaqaadda guud ahaan deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya

WARARKII KALE

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo soo xirtay dhageysiga Kiiska Sacdiya Bajaaj iyo xukunka oo la sugayo

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwadda...

DFS oo war ka soo saartay colaada ka taagan Sool

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Al-Shabaab oo weerar ku qaadday Saldhigga ku yaala Mandera

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xero...

Soomaaliya oo soo dhoweysay Isfahamka u Dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo...

Trump oo eedeyn u jeediyay Keir Starmer

Madaxweyne Trump ayaa mar kale dhaleeceeyay Ra’iisul Wasaaraha xilka...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles