Madaxweyne ku-xigeenka dowlad-goboleedka Hirshabeelle, Cabdifataax Xasan Afrax, oo ku sugan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ayaa maanta la hadlay ciidamo hubeysan oo taageersan maamulkiisa, kuwaas oo lagu soo bandhigay gudaha magaalada.
Cabdifataax Afrax ayaa ciidanka kula hadlay magaalada Beledweyne, isagoo faray inay ka shaqeeyaan nabadda iyo xasilloonida magaalada, isla markaana ay ka fogaadaan tallaabo kasta oo keeni karta qalalaase iyo iska horimaad.
Sidoo Kale waxaa uu sheegay in reer Hiiraan la siin doonaa Caasimada Maamulka Hirshabelle.
Ciidamadan ayaa soo bandhigistooda ku soo beegmaysa xilli magaalada Beledweyne ay ka taagan tahay xiisad siyaasadeed iyo mid amni oo la xiriirta khilaafka ka dhashay doorashadii hoggaanka cusub ee Hirshabeelle.
Magaalada waxaa sidoo kale ku sugan siyaasiyiin iyo ciidamo ka soo horjeeda maamulka Hirshabeelle, taas oo sii kordhisay walaaca laga qabo in khilaafka siyaasadeed uu isu beddelo iska horimaad hubeysan.
Waxaa weli socda loollanka siyaasadeed ee u dhexeeya taageerayaasha Hirshabeelle iyo siyaasiyiinta diidan maamulka, iyadoo indhaha lagu hayo tallaabooyinka ay dhinacyadu ka qaadaan xaaladda magaalada Beledweyne.


