KGS oo sheegtay in AS badan lagu dilay dagaallo ka dhacay Leego

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dagaallo culus oo dhowr jeer ka dhacay tuulooyin hoostaga deegaanka Leego ee gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaas oo dhexmaray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab.

War kasoo baxay Wasaaradda Amniga ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay in dagaalladaas oo dhacay afar jeer lagu dilay ku dhowaad 60 dagaalyahan oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaas oo ku sugnaa tuulooyin hoostaga deegaanka Leego.

Wasaaradda ayaa sheegtay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay maleeshiyaadka Al-Shabaab gaarsiiyeen jab xooggan, isla markaana ay burburiyeen gaadiid dagaal oo ay adeegsanayeen dagaalyahannada kooxda.

Sidoo kale, war kasoo baxay dowladda Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay in howlgallada milatari ay ahaayeen kuwo qorsheysan, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday fariisimo ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ku lahaayeen deegaannada hoostaga Leego.

Dagaalladan ayaa qeyb ka ah howlgallada ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka wadaan gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaas oo ujeedkoodu yahay in meesha laga saaro fariisimaha iyo dhaqdhaqaaqyada maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Dowladda Koonfur Galbeed ayaa sheegtay in ciidamada ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo bulshada ku boorrisay inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga, kana qeyb qaataan dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida deegaannada..

WARARKII KALE

munasabada caleema saarka Hogaanka hirshabelle oo maanta jowhar lagu qabtay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Saacid oo ka digay wiiqidda hay’adaha madaxa-bannaan iyo sharciga oo loo leexiyo rabitaanka madaxda

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid),...

Cabdifataax Afrax oo Beledweyne ku soo bandhigay ciidamo taageersan Hirshabeelle

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad-goboleedka Hirshabeelle, Cabdifataax Xasan Afrax, oo ku...

 Masar, Soomaaliya iyo Jabuuti oo isku raacay in amniga Badda Cas ay mas’uul ka yihiin dalalka xeebaha leh

Dowladda Masar ayaa wadahadallo cusub la yeelatay Soomaaliya iyo...

Kheyre oo Xasan Sheekh ku eedeeyay dilka saddex qof oo lagu toogtay Deyniile

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa...

Loolan xooggan oo loogu jiro kuraasta Golaha Wasiirrada cusub ee Galmudug

Loolanka loogu jiro xubnaha Golaha Wasiirrada cusub ee maamulka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles