Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa baaq nabadeed ka soo saartay colaadda ka taagan deegaanka Aricadeeye, taas oo dhex martay laba beelood oo walaalo ah isla markaana sababtay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.
Qoraal ay wasaaraddu soo saartay ayaa lagu cambaareeyay falalka gacan ka hadalka ah ee sababay dhimashada iyo dhaawaca dadka rayidka ah, iyadoo ku baaqday in si degdeg ah oo aan shuruud lahayn loo joojiyo dagaallada iyo dhammaan waxyaabaha sii hurin kara colaadda.
Wasaaraddu waxay dhinacyada ku lugta leh ugu baaqday inay ka hormariyaan nabadda, wada noolaanshaha iyo ilaalinta xasilloonida shacabka, si looga fogaado dhibaatooyin hor leh oo ka dhasha colaadda.
Sidoo kale, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ugu baaqday Odayaasha Dhaqanka, Culimada, Haweenka, Dhallinyarada, Waxgaradka deegaanka iyo masuuliyiinta Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari inay door firfircoon ka qaataan dejinta xiisadda, xoojinta wada hadalka iyo raadinta xal nabadeed oo waara.
Ugu dambeyn, wasaaraddu waxay tacsi u dirtay qoysaska iyo ehellada dadkii ku geeriyooday colaadda, iyadoo Alle SWT uga bariday inuu u naxariisto marxuuminta, caafimaad degdeg ahna siiyo dhaawacyada.


