Thursday, February 6, 2025

Cisbitaalka Balcad oo yeeshay Xarun qaabilsan hooyada iyo dhallaanka

Qaar kamid ah xubnaha lada gole ee XFS ayaa maanta xarigga ka jaray qeybta hooyada iyo dhallaanka ee lagu kordhiyay cisbitaalka Degmada Balcad oo ka tirsan Gobolka Sh/Dhexe.

Xafladdii furitaanka waxaa ka hadlay Wasiirka Caafimaadka XFS Dr Cali Xaaji Warsame , Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibada XFS Cali Balcad ,iyagoo ka waramay baahida loo qabay qeybtaan cusub iyo kaalinta ay ka qaadan doonto samotabixinta hooyada iyo dhallaanka.

Sidoo kale,waxaa munaasabadii xarig jarka ka hadlay Dr Cismaan Dufle ,isagoo yiri”si loo hormariyo howlaha shaqo ee Isbitaalka degmada Balcad waxaan shaqaalaha u sameyn doonaa tababar Caafimaad si aan u dhiirigalinno bulshada reer Balcad”.

Djammaan xubnihii ka socday labada gole waxa ay ballanqaadeen in ay gacan ka geysan doonaan sidii guud ahaam cisbitaalkaasi uu u heli lahaa sahay dhanka daawada ah ,qalab iyo tababar la siiyo shaqaalaha caafimaadka ee halkaasi.

Dhismaha iyo horumarka ka muuqda cisbitaalka degmada Balcad waxa uu muujinayaa sida dadka reer Balcad ay ugu fiicanyihiin isku tashiga iyo wax wada qabsiga,gaar ahaan marka ay jiraan arrimaha danaha guud

WARARKII KALE

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo Gudoomiyy Kulanka Guddiga Joogta ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Turkiga oo xusaya sannadguuradii 2aad ee dhulgariirkii ay dadka badan ku dhinteen

Xusas ayaa ka socda Turkiga, kuwaasoo lagu xusayo laba...

Golaha wasiiradda XFS oo bogaadiyey hawlgalka Daacish

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa bogaadiyey Ciidamada...

Shirweynaha xeer ilaaliyeyaasha Soomaaliyeed oo galay maalintii labaad

𝗦𝗵𝗶𝗿𝘄𝗲𝘆𝗻𝗮𝗵𝗮 𝟳𝗮𝗮𝗱 𝗲𝗲 x𝗲𝗲𝗿 i𝗹𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗲𝘆𝗮𝗮𝘀𝗵𝗮 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗲𝗲𝗱 ayaa maanta galay...

Masar oo ka hor timid qorshaha Trump ee ah in Mareykanka uu la wareego Gaza

Wasiirka arrimaha dibadda Masar ayaa maanta magaalada Qaahira kula...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles