Wednesday, October 22, 2025

Congo oo ku baaqday in Rwanda tallaabo laga qaado

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, ayaa BBC-da u sheegay in dalka ay si sharci darro ah u heystaan Rwanda.

Arintan ayaa timid kadib markii falaagada M23 ee ay Ruwanda taageerto ay qabsadeen bariga magaalada Goma, waxayna ku hanjabeen inay sii wadi doonaan duullaanka caasimada Kinshasa.

Therese Kayikwamba Wagner, ayaa Kigali ku eedaysay in ay isku dayday in ay carqaladeyso nidaamka dowladda

Wagner ayaa sheegtay in beesha caalamka looga baahan yahay inay qaado tillaabo ay kamid tahay cunaqabatayn, si ay gacan uga geysato joojinta colaadda ku sii fideysa gobolka, loona badbaadiyo nolosha dadka.

Afhayeenka xukumadda Rwanda, Yolande Makolo, ayaa difaacday tallaabada ay qaaday, iyadoo sheegtay in ciidamadooda loo daabulay halkaas, si ay uga hortagaan colaadda soo gaarta dhulkooda.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 10 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

WHO oo ka dayrisay xaalada caafimaad ee Qaza

Madaxa ururka caafimaadka adduunka (WHO) ayaa sheegay in Qaza...

Fadhigii Golaha Shacabka oo markale kooram la’aan u baaqday

Fadhigii maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa...

Maleeshiyaad hubeysan oo dad shacab ah ku dilay degmada Wanla-weyn ee G/Sh/Hoose

Maleeshiyaad hubeysan ayaa saaka dad shacab ah ku dilay...

Al-shabaab oo xalay dagaal ku qaaday Xudur iyo xubno lagu dilay dagaalka

Maleeshiyaad ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa xalay weerar ku...

Dibadbaxayaal weeraray booliiska dalka Ireland

Lix qof ayaa la xiray ka dib markii booliska...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles