Thursday, February 6, 2025

Dagaal culus oo ciidamada isbahaysanaya iyo Al-Shabaab ku dhexmaraya gobolka Hiiraana

Dagaal culus ayaa lagu soo waramayaa in uu maalintii labaad oo xiriirra ku dhexmarayo gobolka Hiiraan ciidamada dawladda oo ay taagerayaan kuwa midowga afrika iyo kuwa qabaa’ilka oo isku dhinac ah iyo dagaalamayaal ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Dagaalka maanta ayaa u badan duqeyn loo adeegsanayo diyaarado iyo madaafiicda goobta oo lagu garaacayo difaacyada Al-Shabaab ee tuulada Jiciboow oo ku taala webiga dhiniciisa bari una dhaxaysa magaalooyinka Halgan iyo Buulo Burdo.

Dagaalkii shalay oo bilowday barqadii ayaa soo gaaray xalay fiidkii, waxa uuna markale bilowday saaka.

Ciidamada Jabuuti ee kamidka ah hawgalka AUSSOM ayaa adeegsanaya qoriga BM-ka iyagoo duqeynaya dhufeyso adag oo kooxda Al-Shabaab ay ka sameysteen aagagga hore ee Jiciboow.

Lama oga khasaaraha dhabta ah ee uu dhaliyay dagaalka socda, waloow todobaadkan bartamihiisii dagaaladdii dhacay ay ku dhinteen dad ka badan 20 qof.

Saraakiisha dawladda oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa guullo ka sheegtay dagaalka, waxaase muuqata in dagaalka la isku mari la’yahay gaar ahaan kan ka socda Jiciboow.

Dawladda iyo Al-Shabaab midba midka kale waxa uu sheegayaa in uu ka dilay tobannaan askari, laakiin ma jirto cid madaxbannaan oo xaqiijinaysa sheegashada labada dhinac maadaama dadka rayidka ah ay muddo hore isaga qaxeen deegaanka lagu dagaalamayo.

WARARKII KALE

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo Gudoomiyy Kulanka Guddiga Joogta ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Turkiga oo xusaya sannadguuradii 2aad ee dhulgariirkii ay dadka badan ku dhinteen

Xusas ayaa ka socda Turkiga, kuwaasoo lagu xusayo laba...

Golaha wasiiradda XFS oo bogaadiyey hawlgalka Daacish

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa bogaadiyey Ciidamada...

Shirweynaha xeer ilaaliyeyaasha Soomaaliyeed oo galay maalintii labaad

𝗦𝗵𝗶𝗿𝘄𝗲𝘆𝗻𝗮𝗵𝗮 𝟳𝗮𝗮𝗱 𝗲𝗲 x𝗲𝗲𝗿 i𝗹𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗲𝘆𝗮𝗮𝘀𝗵𝗮 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗲𝗲𝗱 ayaa maanta galay...

Masar oo ka hor timid qorshaha Trump ee ah in Mareykanka uu la wareego Gaza

Wasiirka arrimaha dibadda Masar ayaa maanta magaalada Qaahira kula...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles