Tuesday, July 7, 2026

Dab mar kale ka kacay magaalada Los Ageles iyo barakac bilowday

Dab xooggan ayaa mar kale ka kacay qeybo kamid ah magaalada Los Angeles ee dalka Mareykanka, waxaana bilowday in  halkaasi laga daadgureeyo dad badan , si looga badbaadiyo in waxyeelo gaarsiiyo dabka dib u kacay.

Warbaahinta dalka Mareykanka ayaa baahisay in dabkan cusub uu ka bilowday meel u dhow halka lagu magacaabo Castaic Lake, ee waqooyi-galbeed Los Angeles, wuxuuna si degdeg ah ugu fiday aag horleh, saacado gudahood.

Dabka kacay , ayaa lagu soo waramayaa in ay sii huriyeen dabeylo xooggan oo aagaasi ka jira, waxaana wararku sheegayaan in dabka uusan wali wax khasaaro ah gaarsiin guryo iyo goobo ganacsi, balse laga cabsi qabo in uu gaaro.

Dad ka badan 31-kun oo qof ayaa laga daadgureeyay aagga uu dabku ka kacay , waxaa sidoo kale la amray dad ka badan 23-kun oo qof oo kale in taxadar dheeri ah muujiyaan kana fogaadaan aagga dabka ka kacay , haddii uu dabku kusoo dhawaado.

Saraakiisha dabdamiska ayaa sheegay in ay wadaan dedaalo ay uga hortagayaan in dabkan kusii faafo magaalada uuna geesto khasaaro lamid ah kii maalmo kahor halkaasi ka kacay, waxaana wali la xasuustaa khasaarihii dhimasho iyo bur burkii uu sababay dabkii horey halkaasi uga kacay.

WARARKII KALE

 Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 06 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweynaha JFS oo waddo cusub ka dhagax dhigay Baydhabo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

26 qof ayaa ku dhimatay rabshado ka dhacay xabsi ku yaal Sri Lanka

Rabshado ka socday labo maalmood xabsiga Negombo, oo ku...

Madaxweyne Xasan Sheekh”Dadka Soomaaliyeed waxay direen fariin doorasho qof iyo cod ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

MW Xasan Sheekh oo maanta gaaray Baydhabo

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Baydhabo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles