Dab mar kale ka kacay magaalada Los Ageles iyo barakac bilowday

Dab xooggan ayaa mar kale ka kacay qeybo kamid ah magaalada Los Angeles ee dalka Mareykanka, waxaana bilowday in  halkaasi laga daadgureeyo dad badan , si looga badbaadiyo in waxyeelo gaarsiiyo dabka dib u kacay.

Warbaahinta dalka Mareykanka ayaa baahisay in dabkan cusub uu ka bilowday meel u dhow halka lagu magacaabo Castaic Lake, ee waqooyi-galbeed Los Angeles, wuxuuna si degdeg ah ugu fiday aag horleh, saacado gudahood.

Dabka kacay , ayaa lagu soo waramayaa in ay sii huriyeen dabeylo xooggan oo aagaasi ka jira, waxaana wararku sheegayaan in dabka uusan wali wax khasaaro ah gaarsiin guryo iyo goobo ganacsi, balse laga cabsi qabo in uu gaaro.

Dad ka badan 31-kun oo qof ayaa laga daadgureeyay aagga uu dabku ka kacay , waxaa sidoo kale la amray dad ka badan 23-kun oo qof oo kale in taxadar dheeri ah muujiyaan kana fogaadaan aagga dabka ka kacay , haddii uu dabku kusoo dhawaado.

Saraakiisha dabdamiska ayaa sheegay in ay wadaan dedaalo ay uga hortagayaan in dabkan kusii faafo magaalada uuna geesto khasaaro lamid ah kii maalmo kahor halkaasi ka kacay, waxaana wali la xasuustaa khasaarihii dhimasho iyo bur burkii uu sababay dabkii horey halkaasi uga kacay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 05 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Loollanka Israel iyo Turkey oo kusoo wajahan Geeska Afrika, Somaliland iyo Soomaaliya

 Warbixin ay baahisay Middle East Eye ayaa sheegtay...

MW Xasan Sheekh oo Kulan la yeeshay Madaxweynaha Eritrea

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan...

Dowladda Itoobiya oo Ka Jawaabtay Kulankii Soomaaliya, Masar, Eritrea iyo Suudaan

Dowladda Itoobiya ayaa ka jawaabtay kulankii ay Soomaaliya, Masar,...

Badmaaxiin u dhashay Masar oo Soomaaliya laga sii daayay oo gaaray Qaahira

Siddeed badmaaxiin oo u dhashay dalka Masar ayaa gaaray...

R/Wasaare Xamse oo gaaray degmada Balanbale

Ra’iisul Wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles