Tuesday, March 3, 2026

Dad u dabaal-degayay guusha Liverpool oo gaari lagu jiirsiiyay UK

Nin caddaan ah oo British ah oo 53 jir ah, kana soo jeeda xaafadda Liverpool, ayaa la xiray ka dib markii uu baabuur ku jiirsiiyay tiro dad ah oo ku lugaynayay Waddada Water Street, wax yar uun ka dib 18:00 BST. Booliiska ayaa sheegay in loo malaynayo inuu ahaa darawalkii gaariga.

Kumannaan qof ayaa ka soo qeyb galay bandhigga guusha Premier League ee kooxda Liverpool. Goobjooge ayaa sheegay in shilku uu dhacay 10-daqiiqo kadib markii uu halkaasi marayay baskii ay la socdeen kooxda Liverpool FC. Waxa uu ku tilmaamay in uu inantiisii ​​soo qabtay oo uu dariiqii goysiiyay.

Ilaa 27 qof ayaa guud ahaan isbitaal la geeyey, sida uu sheegay adeegga ambalaasta. Dadkaas, hal qof oo weyn iyo hal cunug ayaa si xun u dhaawacmay.

Ilaa 20 kale ayaa lagu daweeyay goobta, oo ay ku jiraan afar carruur ah. Mid ka mid ah shaqaalaha caafimaadka oo saarnaa baaskiil ayaa sidoo kale dhaawacay balse xaalkiisu ma darna.

Markii ciidamada gurmadka deg degga ah ay goobta gaareen, afar qof ayaa ku hoos xannibnaa gaariga, oo uu ku jiro hal cunug, sida ay sheegeen dab damiska. Gaariga ayaa si degdeg ah looga qaaday goobta si dadka dhaawaca ah ay u helaan daweyn.

Ilaa hadda ma cadda sababta ay dhacdadani u dhacday. Booliiska ayaa sheegay in dhacdada aan loola dhaqmin sidii argagixisanimo.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 02 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wadahadal la yeeshay Amiirka Qatar iyo Boqorka Urdun

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay James Swan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya  Sheekh Aadan Maxamed...

Howlgal ka dhacay G/Sh/Hoose oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsanaa Al-shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Ciidanka Midowga Afrika...

Dagaalka Bariga Dhexe oo sii xoogeystay maalintii 3-aad

Dagaalka u dhexeeya United States, Israel iyo Iran ayaa...

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo cambaareeyay go’aankii lagu celiyay xildhibaanno u safrayay

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag u cambaareeyay go’aankii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles