Tuesday, January 13, 2026

Dagaal ka qarxay Magaalada Boorama iyo wararkii ugu dambeeyay

Dagaal xooggan ayaa saaka ka qarxay gudaha magaalada Boorama ee gobolka Awdal, iyadoo iska horimaadku uu u dhexeeyo ciidamada Soomaaliland iyo shacabka deegaanka oo dibadbaxyo ballaaran sameeyay.

Iska horimaadkan ayaa yimid kadib markii shacabku ay dhigeen bannaanbaxyo ay kaga soo horjeedaan Bandhiga Xeerka Ciise, oo ay Xukuumadda Soomaaliland ku dhawaaqday in lagu qabanayo magaalada Seylac.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in bandhiggaasi uu dhaawacayo dhaqanka iyo isu dheelli tirka beelaha gobolka.

Inta lagu guda jiray bannaanbaxyadii  ayaa waxaa ku dhintay dad shacab ah kadib markii ciidamada ammaanka Soomaaliland ay adeegsadeen rasaas, taas oo sii kicisay caro iyo abaabul ay sameeyeen dhalinyaro hubeysan oo saaka dagaal kula baxay ciidamada.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in xaaladda magaalada ay tahay mid aad u kacsan, iyadoo qaar ka mid ah xaafadaha Boorama laga maqlayo dhawaqa rasaas culus.

Weli lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka socda, maadaama ay adagtahay in la helo xog sax ah oo ku saabsan dhimashada iyo dhaawaca.

Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay Xukuumadda Soomaaliland ama odayaasha dhaqanka ee gobolka oo ku saabsan xaaladda cusub, balse bulshada ayaa cabsi xoog leh ka qabta in dagaalku sii fido.

Xaalada Boorama ayaa ah mid weli kacsan, iyadoo dhaq dhaqaaq ciidan iyo abaabul shacab uu weli magaalada ka socdo.

WARARKII KALE

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Wafdi Sare oo ka Socda Dowladda Federaalka oo gaaray Laascaanood, Caasimadda Dowlad-Goboleedka Waqooyi-Bari

Wafdi heer wasiir ah oo ka socda Dowladda Federaalka...

DFS oo sheegtay in xubno ka tirsanaa Al-shabaab lagu dilay G/Sh/Dhexe

Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay...

Galmudug oo soo saartay amar lagu xakameynayo hubka

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Maamulka Galmudug ayaa soo saartay...

Jubbaland oo diiday talaabada ay DFS ka qaadatay Imaaraadka Carabta

Dowlad-goboleedka Jubaland ayaa si cad uga hor yimid go’aanka...

Somaliland oo diiday talaabada ay DFS ka qaadatay Imaaraadka Carabta

Xukuumadda Somaliland ayaa si adag u diiday sheegasho ka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles