Dagaal Khasaaro Dhimasho ah Sababay oo Ka Dhacay Magaalada Luuq ee Gobolka Gedo

Wararka naga soo gaarayo degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeya laba beelood uu ka dhacay degmadaas, kaas oo geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, xilli la gubay suuqa degmada.

Dadka geeriyooday ayaa gaaraya ilaa 5 ruux, waxaana wararku sheegayaan in sedex kamid ah ay yihiin dumar, dagaalka ayaa ka bilowday dil ay isku geysteen laba nin oo ka kala tirsanaa labada maleeshiyo beeleed.

Marka laga soo tago geerida dadka waxaa sidoo kale oo jira dhaawaca sedex ruux, sida uu sheegay laanta VOA-da Cabdirashid Ugas Bilow Ugas Xandulle oo ka mid ah odayaasha dhaqanka degmada oo manta shaqaaqo ka dhacday.

Ugaaska ayaa sheegay in arrintaan ay salka ku heyso dhul ku yaallo degmada, kaas oo dhowr jeer la isku qabsaday, waxaana intaas uu raaciyay in maamulka degmada dhowr jeer isku dayay inuu kala dhexgalo laakiin ku guuldareystay.

Dagaalka ka dhacay magaalada Luuq ayaa kusoo aadaya xilli dhowr jeer dagaallo sidaan uga dhaceen aan lagu guuleysan in xal laga gaaro, dagaallada dhacaya ayaa inta badan salka ku haya dhul la isku hayo in la deegaameeyo.

Hot this week

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 07 2024

Warka habeenimo ee radiojowhar  Waxa Aqrinaya Wariye Abdikhadir Maxamed...

Netanyahu oo ka tanaasulay qodobo hor taagnaa xabad joojinta

RW Israel Netanyahu ayaa ka tanaasulay qodobadii heshiiska xabad...

RW Xamsa Abdi bare oo u ambabaxay magaalada Dooxa

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Madaxweyne Trump oo Dib Ugu Soo Laabtay Ololaha Doorashada Mareykanka

Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump, ayaa Sabtidii shalay...

Topics

Xuutiyiinta oo u Hanjabay Dowladaha Carabta

Hogaamiyeyaasha kooxda Xuutiyiinta ee Yemen ayaa jawaab adag ka...

Go’aanno Laga Soo Saaray Dhammaystirka Nabadaynta Beelihii Ku Dagaallamay Galbeedka Gobolka Mudug

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamullada Puntland iyo Galmudug, oo ay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 20 07 2024

Warka habeenimo ee radiojowhar  Waxa Aqrinaya Wariye abdikhadir maxamed...
spot_img

Related Articles

Popular Categories

spot_imgspot_img