Saturday, July 4, 2026

Daladda Bulshada Rayidka oo soo dhaweysay dadaallada lagu xoojinayo wadahadallada siyaasadeed ee Soomaaliya

Daladda Bulshada Rayidka ee Soomaaliya ee SONSA ayaa soo dhaweysay dadaallada socda ee lagu xoojinayo wadahadallada siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, kuwaas oo lagu doonayo in xal loogu helo khilaafaadka siyaasadeed ee dalka ka taagan.

War-saxaafadeed ay SONSA soo saartay maanta oo ku taariikheysan 4-ta Luulyo 2026 ayaa lagu sheegay in bulshada rayidka Soomaaliyeed ay si weyn u taageersan tahay dadaallada Beesha Caalamka ee dib loogu bilaabayo wadahadallada siyaasadeed, si loo helo heshiis waara oo saldhig u noqda dowlad-dhis, doorashooyin lagu kalsoonaan karo iyo xasillooni siyaasadeed.

SONSA waxay xustay in khilaafka siyaasadeed ee jira uu saameyn toos ah ku yeeshay geeddi-socodka dowlad-dhiska, hannaanka doorashooyinka, xasilloonida siyaasadeed iyo kalsoonida bulshada, sidaas darteedna ay muhiim tahay in dhinacyada siyaasadda ay muujiyaan biseyl, tanaasul iyo mas’uuliyad qaran si loo gaaro xal loo dhan yahay.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu adkeeyay in dadaallada bulshada rayidka ay xoojinayaan kaalinta Beesha Caalamka, isla markaana ay yareyn karaan tuhunka, kala shakiga iyo faham-darrada saameyn kara dib u billaabidda wadahadallada siyaasadeed.

SONSA waxay sheegtay inay muhiim tahay in bulshada rayidka si rasmi ah loogu daro geeddi-socodka wadahadallada, si loo helo hannaan hufan, loo dhan yahay, laguna kalsoonaan karo. Waxay sidoo kale xustay in bulshada rayidka ay door muhiim ah ka qaadan karto fududeynta, dhiirrigelinta iyo taageeridda dadaal kasta oo horseedaya heshiis siyaasadeed, doorashooyin lagu kalsoonaan karo iyo xasillooni waarta.

Ugu dambeyn, SONSA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada siyaasadda in ay mudnaanta siiyaan danta guud ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed, kana fogaadaan tallaabo kasta oo sii fogeyn karta xal u helidda khilaafaadka, iyadoo ku celisay in wadahadal, is-qancin, tanaasul iyo ilaalinta sharciga ay yihiin jidka ugu habboon ee looga gudbi karo ismariwaaga siyaasadeed ee dalka.

WARARKII KALE

Xildhibaannada laga soo doortay Puntland oo DFS ku eedeeyay burburinta nidaamka federaalka

Xildhibaannada iyo Senatorrada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya...

Farmaajo oo dalka ugu soo laabtay kana qeyb galaya wajiga koowaad ee wadahadallada doorashooyinka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta...

Wafuud kala duwan oo ku wajahan Baydhabo xilli la qabanayo caleema-saarka Aadan Madoobe

Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay waxaa ku wajahan...

Duqeyn ka dhacday Masaajid Cali Gaduud

Duqeyn culus ayaa xalay ka dhacday dhul howd ah...

DFS oo si adag u cambaareysay weerar argagixiso oo ka dhacay Suuriya

Dowladda Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay weerar argagixiso...

Midowga Afrika oo ka digtay saameynta go’aanka Mareykanka ee taageerada AUSSOM

Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa shir...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles