Diyaarad dagaal oo uu leeyahay Mareykanka ayaa ku burburtay koonfurta Iran, taasoo keentay in hawlgal baaritaan iyo samatabixin ah la sameeyo si loo badbaadiyo labada qof ee shaqaalaha ah.
labo sarkaal oo Mareykan ah ayaa sheegay arrintan sida ay werisay jariidada Washington Post, taasoo calaamad u ah dhacdadii ugu horreysay ee diyaarad Mareykan ah oo ku dhacday gudaha dhulka cadawga ah ee dagaalka socday muddada bisha ah.
Ilaa hadda ma cadda halka ay ku danbeeyeen shaqaalaha dayaaradda.
Diyaaradda ku lug lahayd shilkan ayaa u muuqatay inay ahayd mid ay leeyihiin Ciidanka Cirka oo ah nooca F-15E, sida laga soo xigtay saraakiisha iyo sawirrada burburka oo ay faafisay warbaahinta dawladda Iran.
Pentagon-ka si degdeg ah ugamay jawaabin.
Dhacdadan ayaa noqonaysa tii afraad ee ah dayaarad F-15 ah oo la waayey tan iyo markii uu dagaalku bilowday. Horraantii bishii Maarso, shaqaalaha Kuwait ayaa si khalad ah u soo riday saddex ka mid ah diyaaradahaas. Dhammaan lixdii shaqaalihe ee saarnaa ayaa si nabad ah looga soo saaray.


