Deni oo la filayo inuu soo gaaro Magaalada Muqdisho

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ku wajahan Magaalada Muqdisho ee caasimadda Somalia oo uu ka aloosan yahay khilaaf la xiriira arrimaha doorashooyinka dalka.

Siciid Deni, ayaa Muqdisho kaga qaybgeli doona ay garwadeen ka yihiin wakiilada beesha caalamka una dhexeeya Madaxda Dowladda Federalka ah ee Somalia iyo hoggaamiyayaasha mucaaradka oo uu ugu horreeyo golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

Shirka oo loo balansan yahay inuu ka qabsoomo xayndaabka Xalane ayaa looga arrinsan doonaa arrimaha doorashooyinka iyo sidii ay dhinacyadu heshiis u gaari lahaayeen kahor 15 May oo uu ku egyahay muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xubnaha beesha caalamka ayaa dhegaysan doona aragtida dhinacyada si laysugu keeno meel dhexdhexaad ah looguna khasbo inaysan markale ku kala tegin miiska iyadoo ujeedadu tahay in laga baaqsado in dalku galo qalalaase siyaasadeed.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 09 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Itoobiya oo ku eedaysay Eritrea inay ku xadgudbtay madaxbannaanideeda

Itoobiya ayaa ku eedaysay dalka deriska la ah ee...

Jubbaland oo ku dhawaaqday in si nabad ah loo soo afjaray xiisaddii Beledxaawo

Madaxtooyada Jubbaland ayaa ku dhawaaqday in si nabad ah...

Weerar ku bilowday qaraxyo oo ka dhacay Hiiraan

Dagaal xooggan ayaa ka dhacay tuulada Xaanshi Gadafar oo...

Jubbaland oo la wareegtay amniga Beledxaawo

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo Baladxaawo, ciidamada Jubbaland...

Trump oo weerar afka ah ku qaaday Soomaalida Minnesota

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa weerar afka ah ku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles