Deni oo shaaciyay inuusan u tartami doonaan xilka madaxtinimada Puntland

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay magaalada Gaalkacyo ka sheegay in xisbigiisa Kaah uu doorashada madaxtinimada Puntland ee soo socota yeelan doono musharrax u tartama xilka Madaxweynaha Puntland.

Deni oo khudbad u jeediyay boqolaal dhalinyaro ah oo ka tirsan gobolka Mudug ayaa sheegay in dastuurka Puntland uu madaxweynaha u oggolaanayo in laba jeer la doorto, isla markaana isaga uu hadda ku jiro muddo-xileedkiisii labaad.

“Dastuurku laba jeer ayuu ii oggolaaday madaxtinimada Puntland, laba jeerna waa la ii doortay. Laba sano iyo bar ayaa ii harsan. Ninka doonaya xilka ha is keeno. Doorasho xor ah oo waqtigeeda ku dhacda, xisbigeennuna musharrax ayuu yeelanayaa oo aan dhiseynaa,” ayuu yiri Deni.

Deni ayaa markii ugu horreysay loo doortay Madaxweynaha Puntland bishii Janaayo 2019, waxaana mar kale xilka loogu doortay Janaayo 2024, iyadoo muddo-xileedkiisa labaad uu weli socdo.

Hadalka madaxweynaha ayaa kusoo beegmaya xilli Puntland ay ka taagan tahay dood siyaasadeed oo xooggan oo la xiriirta mustaqbalka hoggaanka iyo doorashada madaxtinimada Puntland.

Si gaar ah, waxaa hadalka Deni muhiim ka dhigay inuu sheegay in Xisbiga Kaah uu yeelan doono musharrax u tartama doorashada soo socota, taas oo dhalisay su’aalo ku saabsan cidda uu xisbigu u diyaarinayo xilka madaxweynaha marka la gaaro waqtiga doorashada.

Mucaaradka Puntland ayaa horey uga digay isku day kasta oo lagu kordhinayo muddo-xileedka madaxweynaha ama lagu hareer marayo xaddidaadda dastuuriga ah ee labada muddo-xileed.

Inkasta oo Deni uu caddeeyay in doorashadu ku dhici doonto waqtigeeda, haddana hadalkiisa xalay ayaa si weyn looga hadal hayaa gudaha Puntland, iyadoo su’aasha ugu weyn ay tahay: Deni ma doonayaa inuu ka haro tartanka doorashada soo socota, mise Xisbiga Kaah ayaa qorshe kale wada?

Waxaa sidoo kale indhaha lagu hayaa musharraxa uu Deni iyo Xisbiga Kaah u diyaarinayaan doorashada madaxtinimada Puntland ee soo socota.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Liiska ururada ka qeybgalaya doorashada Galmudug oo la soo saaray

Guddiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa soo saaray liiska ururada siyaasadeed...

JSP oo ku dhawaaqay in Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen uu yahay Musharraxa Hoggaamiyaha Hirshabeelle

Kulanka Guddiga Fulinta ee Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP)...

Taliyaha Milatariga oo la kulamy taliyaha ciidanka gaar ah ee Africom

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

Golaha Shacabka oo Joojiyay Lacagtii $100-ka ahayd ee Xildhibaannada laga Jari Jiray

Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa go’aan ku...

Sacudi Carabiya ayaa joojisay dhuumaha shidaalka ee Badda Cas

Weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drone) lagu qaaday dhuumaha...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles