Xubnaha Golaha Mustaqbalka iyo xildhibaano ka tirsan mucaaradka oo toddobaadyadii la soo dhaafay shirar ku lahaa magaalada Muqdisho ayaa maanta bilaabay inay u kala safraan magaalooyinka Kismaayo, Garowe iyo Nairobi, sida ay xaqiijiyeen ilo ka tirsan golaha.
Xildhibaanada ugu badan ee baxaya ayaa laga soo doortay maamulada Jubbaland iyo Puntland, kuwaas oo la sheegay inay doonayaan inay muujiyaan in aysan qayb ka ahayn ansixinta dastuurka cusub ee lagu wado in Arbacada ay meel mariyaan mudaneyaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Dhanka kale, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa la filayaa inuu galinka dambe ee maanta u safro magaalada Garowe, xilli ay cirka isku shareereyso xiisadda siyaasadeed ee la xiriirta wax ka beddelka dastuurka.
Tallaabadan ayaa imaneysa iyadoo weli ay taagan tahay kala aragti duwanaan xooggan oo u dhaxeysa Dowladda Federaalka iyo xubnaha mucaaradka, kuwaas oo si cad uga soo horjeestay habraaca iyo waqtiga loo marayo ansixinta dastuurka cusub.


